Wasiirkii Hore ee Ganacsiga Somaliland oo Ka Hadlay Markii Ugu Horaysay Xilkii Dib Loogu Magacabay

Hargeysa – (warsoor) – Wasiirkii hore ee Wasaaradda Ganacsiga Somaliland oo madaxweynaha Somaliland uu dib ugu mgacaabay inay mar labaad noqdo afhayeenka madaxtooyadda ayaa maanta markii ugu horaysya ka hadlay sida uu u arko xilka loo magacaabay.

Munaasibad uu wasiirkii hore ee ganacsiga Somaliland Xuseen Axmed Dayr uu xilka ku wareejinaayey wasiirka cusub ee loo magacaabay wasaaradaas Cumar Shucayb Maxamed.

Munaasibadda xilka wareejinaya wasaaradda ganacsiga Somaliland oo ka qabsoontay xarunta wasaaradda waxaa ka soo qayb-galay xubno golaha wasiiradda ka tirsan, masuuliyiinta kala duwan ee hayadda dawladda iyo marti-sharaf kale oo badan.

Afhayeenka Madaxtooyadda Somaliland Xuseen Axmed Dayr ayaa madaxweynaha uga mahadnaqay inuu mar labaad dib ugu magacaabay afhayeenkii madaxtooyadda iyo sidoo kale inuu hore ugu magacaabaay xilka wasiirka ganacsiga ee uu maanta wareejinaayo.

Halkan ka daawo warkaas:

This post is also available in: Somali

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

Share via
Copy link
Powered by Social Snap