Wasiirka Xanaanadda Xoolaha Somaliland Oo Shaaciyey Tiradda Xoolaha ee Mowsimkan Xajka Dalka Ka Dhoofay

Hargeysa – (warsoor) – Wasiirka Xanaanadda Xoolaha Somaliland Md. Cabdilaahi Daahir Cukuse ayaa sheegay tiradda ay xoolaha ay talaaleen iyo inta dalka laga dhoofiyey mowsimkan xajka, waxaa uu sidoo kale wasiir ku hadlay heshiiska DP World.

Wasiir Cabdilaahi Daahir Cukuse ayaa shirkiisan jaraa’id ku sheegay mashruuc ay wasaaraddu waday muddo lix todobaad ah oo ay ku talaalayeen xoolo tiradoodu dhamayd saddex milyan oo neef oo loo diyaarinaayey mowsimka xajka.

wasiir_cukuse

“Ilaaa imika waxaanu talaalnay laba milyan iyo boqol kun oo neef (2,100,000), muddo lix wiig ah. 900,000 ayaa hadhaya oo waxaa la talaalayaa sadexda wiig ee soo socdaa oo wali muddadii talaalku muu dhamaaan”, Sidaasi waxaa yidhi wasiirka Xanaanadda Xoolaha Somaliland Cabdilaahi Cukuse.

Wasiirka Xanaaladda Xolaha ayaa sidoo kale ka hadlay tiradda xoolaha la daweeyey waxaanu yidhi, “Waxaa la daweeyey 465,000 oo noeef”.

Wasiirka Xanaanadda Xoolaha Somaliland ayaa ka hadlay halka uu maraayo dhoofka xoolaha Somaliland mowsimkan xajka ee lagu guddo jiro bishan September. “Muddo sideed bilood ah xoolaha inaga dhoofay waa saddex milyan iyo shan iyo lixdan kun oo neef (3,065,000). Haddii carafadda uun qofku ka fikiro waa hal milyan iyo lix boqol iyo saddex iyo sodon kun oo neef (1,633,000) waa adhiga. Geel iyo lo’diyo inta badan way yar yihiin xiliga carafadda. Waayo carafadda neefka xoolaha ee diintu waajibisay ayaa noqonayaa ka dhoofaya inta badan”, sidaasi waxaa yidhi wasiir Cukuse.

Wasiirka ayaa sidoo kale shirkiisan jaraa’id kaga hadlay heshiiska ay xukuumadda Somaliland sida rasmiga ah shalay ula gashay shirkadda DP World. Wasiir Cukuse ayaa si weyn usoo dhaweeyey heshiiskaas, waxaanu ku hambalyeeyey madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, guddidii farsamo ee hawshaa wadday iyo asxaabta qaranka Somaliland.

Halkan ka daawo warkaasi oo aanuka soo xiganay wakaaladda wararka ee SOLNA:

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.