Wasiirka Warfaafinta XFS oo la kulmay Safiirka Qatar ee Soomaaliya

Muqdisho – (warsoor) – Wasiirka Wasaaradda warfaafinta dhaqanka iyo dalxiiska Soomaaliya mudane, Cusmaan Abuukar Dubbe oo uu wehliyay Agaasimaha Wakaaladda Wararka SONNA Cali C/qaadir Cali ayaa maanta kulan la yeeshey danjiraha Dowladda Qatar u fadhiya Soomaaliya mudane, Xasan Bin Xamza.

Kulankan oo ka dhacay xarunta safaaradda Dowladda Qatar ee Muqdisho ayaa diiradda lagu saaray arrimo ay kamid yihiin xoojinta wada shaqeynta wasaaradda iyo Qatar,in laga wada shaqeeyo horumarinta warbaahinta iyo in ay iskaashi yeeshaan warbaahinta labada Dal.

Mudane Dubbe ayaa uga mahadceliyay Dowladda iyo shacabka Qatar is garabtaagga Soomaaliya gaar ahaan mashaariicda horumarineed ee Dowladda Qatar ay ka fulineyso Soomaaliya,wuxuuna si gaar ah u soo hadal qaadday dhismaha waddada isku xirta Muqdisho iyo Afgooye oo meel wanaagsan maraya, halkaasi oo dhawaan uu kormeer ku tagay wasiir Dubbe.

Safiirka Qatar ee Soomaaliya mudane Xasan Bin Xamsa ayaa sheegay in ay diyaar u yihiin markasta xoojinta xiriirka walaaltinimo ee labada Dowladood,wuxuuna soo dhaweeyay qorshaha ku aaddan isku xirka iyo iskaashiga warbaahinta labada Dal,sida Wakaaladaha wararka Telefeshinnada iyo Idaacadha, wuxuuna ballan qaaday in taageero dhanka tababarada iyo qalabaynta ah ay u fidin doonaan warbaahinta.

Wasaaradda Warfaafinta Soomaaliya ayaa dedaal ugu jirtay sidii loo horumarin lahaa tayada warbaahinta,dhinacyada tababarrada shaqaalaha, dhismaha iyo qalabaynta,si adeegga bulshada loo hayo sare loogu qaado, si ay ula jaanqaaddo warbaahinta kale ee Caalamka.