Wasiirka arrimaha dibadda oo la kulmay madaxweynaha kalafadhiga 75-aad ee Qaramada Midoobay

New York – (warsoor) – Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya mudane Maxamed Cabdirasaaq Maxamuud ayaa kulan wax ku ool ah la yeeshay Madaxweynaha kal-fadhiga 75-aad ee Golaha Guud ee Qaramada Midoobay Mudane Volkan Bozkir.

Wasiir Maxamed ayaa Madaxweynaha uga war bixiyey guulaha ay dowladda Soomaaliya ku tilaabsatay & horumarka ay ka gaartay arrimaha Siyaasadda, amniga & kaabayaasha dhaqaalaha.

Madaxweynaha ayaa dhankiisa ka mahadceliyey booqashada wasiirka & horumarka dowladda Soomaaliya, wuxuuna uu madaxweynuhu sheegay in ay sii labo jibaari-doonaan taageeridda QM ee Soomaaliya.

Wasiirka arrimaha dibadda Soomaaliya ayaa maalmahan ku sugnaa dalka Mareykanka isagoo intii uu halkaas ku sugnaa kulan la yeeshay mas’uuliyiin kala duwan oo uu kala hadlay xaaladda wadanka.