Wasiirka Warfaafinta ahna Afhayeenka Xukuumadda oo Jawaab adag siiyay Somalia kana hadlay Xuska 26 June

HARGEYSA – (WARSOOR) – Wasiirka wasaaradda warfaafinta dhaqanka iyo Wacyi-gelinta Jamhuuriyadda Somaliland ayaa ka hadlay sannad guurada 61aad ee kasoo wareegtay maalintii Somaliland ay xorriyaddeeda ka qaadatay Ingiriiska oo ku beegnayd 26 Juun ee sannadkii 1960-kii.

Wasiirka wasaaradda warfaafinta dhaqanka iyo wecyigelinta Somaliland ahna afhayeenka xukuumadda Somaliland Saleebaan Yuusuf Cali Koore oo warbaahinta kula hadlayay xafiiskiisa ayaa jawaab ka bixiyay hadallo kasoo yeedhay madaxweynaha dawladda aynu jaarka nahay ee Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo ay ka soo yeedheen  hadallo liddi ku ah qarannimada Somaliland. Geesta kale, Wasiirka Saleebaan Koore wuxuu farriin u diray qaar ka mid ah dhallinyarada ku nool magaalooyinka dalka oo ku kacay falal liddi ku ah jiritaanka qarannimada Somaliland.

HALKAN KA DAAWO WARKA WASIIRKA: