Madaxweyne ku-xigeenka Somaliland oo qaabilay Ra’iisal wasaarihii hore ee dalka Guinea

HARGEYSA – (WARSOOR) -Madaxweyne ku-xigeenka Jamhuriyadda Somaliland Mudane Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici) ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay Ra’iisal wasaarihii hore ee dalka Guinea Bissau Baciro Dja oo booqasho ku jooga Jamhuuriyadda Somaliland.

Waxaana kulankaasi madaxweyne ku xigeenka ku wehelinaayey Agaasimaha Guud ee Madaxtooyada Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Maxamed Cali Bille, halka dhinaca weftigana ay ku wehelinayeen xubnihii uu hoggaaminayey Ra’iisal wasaaruhu.