“Madaxweyne Jooji Sharci Darrada Aad Waddo Ee Aad Rabto In Dad Xisbi Kale Kasoo Baxay Ay Xisbigaaga U Codeeyaan” Guddoomiye Eng Faysal Cali Waraabe

HARGEYSAA – (WARSOOR) – Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaridka Ah Ee UCID Eng Faysal Cali Waraabe, Ayaa Shir-jaraa’id oo Maanta ku qabtay Xaruunta Xisbiga UCID Ee Magaaladda Hargeysa Kaga Hadlay Qoddobo badan oo ay ka mid yihiin Doorashooyinka ee Dalka dhawaan ka dhacay, Maalgashiga Dp World Ee Marsadda Caalamigaa Ee Berbera, Wadda hadaladda Somaliland Iyo Somaaliya Iyo Isbahaysiga Aqlabiyadda Labadda Xisbi Mucaaridka Ee WADDANI Iyo UCID.

Guddoomiye Faysal Cali Xuseen, ayaa Ugu horeynba ka hadlay Doorashooyinkii Dalka ka dhacay, Isagoo Bogaadiyey Shacabka Reer Somaliland Ee u Soo caddeeyey Isbadel ka dhaca Dalka. Isagoo Geesta kale Ugu Baaqay Madaxweyaha JSL Md Muuse Biixi Cabdi Inuu joojiyo Kala Qaybin uu Sheegay Guddoomiyuhu Inuu ku Hayo Xildhibaannadda Cusub Ee Golaha Wakiiladda Ee la Soo Doortay, Isla-markaana Uu Ku Iimaansaddo 30 Xildhibaan ee uu Xisbigiisa KULMIYE ka Helay Aqalka Shacabka Ee Golaha Wakiiladda. Waxaana uu yidhi Guddoomiye Faysal Cali Waraabe, Isagoo Arintaa Doorashooyinka Iyo Madaxweyne Biixi la hadlaya “Madaxweynaha Waxaan Leeyahay 30 Xildhibaan Ayaad Heshay Iimaanso, Labadii Xisbi Ee Kale Ayaa Helay 52 Xildhibaan, Shir-guddoonka Isbahaysiga Leh Xumaanna Maaha, Ee Waa Isku Dheeli-tirka Dhadhaarada Qaranka” Wuxuu Intaa raaciyey Guddoomiyuhu oo uu Yidhi “Madaxweyne Jooji Sharci Darrada Aad Waddo Ee Aad Rabto In Dad Xisbi Kale Kasoo Baxay Ay Xisbigaaga U Codeeyaan”.

Guddoomiyaha Xisbiga UCID Eng Faysal Cali Waraabe, ayaa Isagoo ka hadlaya Qadiyadda Madaxbanaanidda Somaliland Iyo Waliba Wadda hadalladdii u dhexeeyey Somaaliya uu Yidhi “Wada-hadal Dambe La Gali-mayno Somalia, Farmaajo-na Waxaan Leeyahay..,”