Wasiirka Sacad Shire oo sheegay in Somaliland aanay qayb ka ahay nidaamka lagu samaynaayo Baarlamaanka federaalka Soomaaliya

Hargeysa – (warsoor) – Wasiirka Arimaha Dibadda Somaliland Dr. Sacad Cali Shire ayaa Sabtidan war-saxaafadeed ka soo saaray warar sheegaya inay Somaliland qayb ka tahay doorashadda federaalka Soomaaliya ee loogu tartamaayo Aqalka Sare iyo ka hoose.

Dr. Sacad Cali Shire ayaa ugu baaqay wakiiladda Beesha Caalamka ee ku sugan Soomaaliya inay dhowraan rabitaanka shacbiga Somaliland oo ay joojiyaan dacaayadaha ay ku sheegayaaan inay Somaliland ka mid tahay maamul goboleedyadda Soomaaliya ee ka qayb-galaya doorashadda aqalka sare iyo aqalka Hoose ee Soomaaliya.

War-saxaafadeedkan ka soo baxay xafiiska wasiirka Arimaha Dibadda Somaliland Dr. Sacad Cali Shire ayaa u dhignaa sidan:

wasiir-sacad-cali

“Waxa maalmahan lagu baahiyey warbaahinta, gaar ahaan baraha bulshada ku kulmaan, in Somaliland qeyb ka tahay nidaamka lagu samaynayo Baarlamaan Federaal iyo Aqal sare Soomaaliya yeelato. Taasi, xaqiiqdii waa mid runta ka fog. Dunida, Somaliland waa dal madaxbanaan, la aqoonsan yahay, ama ku socda, oon qeyb ka ahayn  geeddi-socodka siyaasadeed ee Soomaaliya. Somaliland waxay ka baxday midnimadii 25 sannadood horteed.

Xaqiiqada in dadka ka soo jeedo Somaliland jagooyinka ka qabteen dawladda Federaalka, macnaheedu maaha in ay matalaan Somaliland. Taageerida iyo buunbuuninta fikirkaasi ma caawin doono Soomaaliya, Somaliland ama gobolka. Sheegashadaasi waxa laga yaaba inay u wanaagsan tahay dhamaytirka warbixinada shaqsiyaad ama waajibaad hay’adeed, laakiin waxay abuuraysaa colaado iyo masiibooyin gaadha gobolka iyo meelo ka baxsan.

Waxa caawin kara Soomaaliya, Somaliland iyo guud ahaan gobolka waa in bulshada caalamku aqbasho xaqiiqada dhabta ah ee dhulka, oo qiraan inaan Somaliland qayb ahayn qaab dhismeedka Federaalka, taageeraan doorashooyinka  dimuqraadiga dhabta ah ee Somaliland oo kaalin ku yeeshaan wadahadalada u dhexeeya Somaliland iyo Soomaaliya.”

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.