Wasiirka Biyaha Somaliland oo Loo Sameeyey Kulan Lagu taageeraayo wax-qabadkiisa

Hargaysa – (warsoor) – Wasiirka Khayraadka Biyaha Somailand Md. Baashe Cali Jaamac ayaa kulan kula qaatay odayaal, waxgarad, salaadiin iyo dhalinyaro kulankaas oo maanta ka dhacay huteel diiriye ee magaalada Hargeysa.

Kulankaas lagu dheeri gelinayo dardar gelinta xidhiidhkii qotodata dheera ee danwadaag Bari. Kulanka waxa gadhwadeen ka ahaa Wasiirka Khayraadka Biyaha, Mudane Baashe Cali Jaamac.

Dhanka kale waxaa goob jog ka ahaa madax dhaqameed kala gedisan, masuuliyiin, aqoonyahan kuwaasi oo ay ka mid ahaayeen wasiirul dawlaha wasaarada biyaha, Mudane Mahdi Cismaan Buuri, Suldaan Siciid Yusuf X Ducaale, Suldaan Carab Cabdi Cali, Jiif Caaqil Cali Xirsi, Ku-Simaha Agaasimaha Guud Ee Wasaarada Khayraadka Biyaha, Mudane Maxamed Faarax, Xildhibaan Saleebaan Diiriye, Cabdi Musbaar, Aqoonyahan, Dhalinyaro, Waayeel Iyo Rag Kale Oo Badan.

wasiirka-biyaha-madaxdhaqameed

Kulankaasi ayaa waxa taageero wayn loogu muujiyey Wasiirka Biyaha Baashe Cali Jaamac iyo Agaasimaha Guud ee Wasaaradaasi Mudane Maxamed Faarax waxaana uu qayb ka yahay dhiirigelinta loo muujinayay mudooyinkii u danbeeyey wasiirka biyaha oo dardargeliyay wasaaradaasi tan iyo intii xilkaasi loo magcaabay isagoo guntiga u xidhay sidii uu bulshada somaliland u gaadhsiin bahiyaha biyood ee laga tebayo dhamaanba gobolada kala duwan ee dalka bari ilaa galbeed.

Waxaa xusid Mudan Intii Wasiirka Biyuhu Xilka Wasaaradaasi hayay inay Dalka ka bilaabmeen Qodista Ceelashii ugu badnaa ee biyo looga saarayo Dhulka Oomanaha ah ee Somaliland.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.