Wasiirka Madaxtooyada Oo shaaciyey In Xukuumadda Somaliland ay ka go’an tahay Hirgalinta Heshiiska ay la Gashay beelaha Maxamuud Bari, Hinjiinle, iyo Kaskiiqabe ee beelweynta Dhulbahante

“ Heshiiskaas waxaanu fulinaynaa idamka ILAHAY, way naga go’an tahay in Qarankan la mideeyo oo la ururiyo, way naga go’an tahay in dawlad-nimada iyo maamulka lagu fidiyo deegaamadan.”Wasiirka Madaxtooyada JSL.

Hargeysa – (warsoor) – Wasiirka Madaxtooyada Somaliland Maxamuud Xaashi Cabdi ayaa shaaca ka qaaday in Xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo ay ka go’an tahay hir galinta heshiis taariikhi ah oo maanta lagu saxeexay deegaankan Awr-boogays, ee gobolka Sanaag.

Heshiiskaasi oo  aha midhaha gogol nabadeed ee Madaxweynaha Somaliland Axmed Siilaanyo uu u fidiyey beelaha Dhulabahante, shirkaasi oo lagu soo gabgabaayey deegaankan Awr-boogays, ayaa waxa qalinka lagu duugay heshiis dhex maray Xukuumada JSL iyo beelaha Maxamuud Bari, Hinjiinle, Kaskiiqabe ee beelweynta Dhulbahante.

Wasiirka Maxamuud Xaashi oo khudbad ka jeediyey goobta heshiiskaasi laga dhawaaqay ayaa shaaciyey in ay Xukuumad ahaa ka go’an tahay meel marinta hesiishkaasi iyo horumarinta deegaamada bariga Somaliland.

Hadaladii Wasiir Xaashi ayaa waxa ka mid ahaa “ ILAHAY (SWT) ayaanu ugu horayn u mahad naqaynaa inoo suuro galiyey munaasibadan iyo kulankan, isaga ayaa mudan inaynu u mahad naqno mar walba, ILAHAY hadii aanu doonin waxba inoomay qabsoomeen, waxa aynu wadnaa waa camal khayr leh oo aynu ILAHAY ugu dhawaanayno, danteenana aynu kaga arriminayno.”

DSC_0182

“ Shirkan aynu isugu nimid ee SAMOTALIS, waxa uu inoo socday sadex maalmood, shirku marna golaha ayuu ka socday marna gaar ayuu u socday, waxaan aad ugu mahad celinayaa cuqaasha halkan joogta ee shirkan inagala soo qayb gashay. Ragga halkan nala joogaa kuwo aanu sasabi karno, laaluushi karno ama xaduuli karno maaha, waxa weeyaan rag waxgarad ah, waa rag mutacalimiin ah, kuwo anaga naga aqoon badan ayaa ku jira, shirar badan oo nabadeed ayaan ka soo shaqeeyey ilaa 1991-kii, intaan arkayey rag ka xaajo qaadsan, oo waxoodu ka habaysan yihiin naadir ayaan ka arkay runtii, afgobaasi igama aha, si adag ayaanu u wadahadalnay, waxay ka turjumayeen dareenka dadkooda, anaguna waxaanu ka tujumanay dareenka Xukuumadda Somaliland iyo umadda inteeda kale.”

Mudane Xaashi ayaa sidoo kalena ka hadlay isbadal uu sheegay inuu ku yimid dadka deegaanadaasi waxaanu  yidhi “ Xaqiiqdii wax badan ayaa is badalay, bisaylka waxgaradka iyo quluubta ay maanta soo jeediyeen waanu ugu hambalyeynaynaa, shalay ayey ahayd markii waxgaradkan Isimadan iyo kuwa kale ee Dhulbahante-ba aanaan isla dhaafi jirin ciidanka naga qaada iyo wada hadli mayno hadaydaan qaadin, maantana waxa nalagu canaanayey waxqabad iyo nabada aan xoojino. Waxaanu garwaaqsanay in aynaan kala maqnaashaheena wax ku noqon Karin, waxaanu garwaaqsan nahay in tallo nin kaligii ahi uu qaatay aanu ka kale waxba ku toli Karin, markaas arrimaas oo dhan wax weyn ayaan u arkayey.”

DSC_0153

Wasiirka Madaxtooyadda Somaliland ayaa geesta kalena ka hadlay heshiiskaasi ay qalinka ku duugeen waxaanu yidhi “ Go’aamadaas la akhriyey ayaanu isla meel dhignay odayaasha, oo ku heshiinay, may ahayn go’aamo golle kaga kac ah, sidaaba iskugu maanu qabaneen, marba dhinac umaanu badalneen, waxaanu kaga wakiil nahay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, waxaanu kaga wakiil nahay Qaranka Somaliland. Heshiiskaas waxaanu ku dadaalaynaa inaanu fulino, idamka ILAHAY, way naga go’an tahay in Qarankan la mideeyo oo la ururiyo, way naga go’an tahay in dawlad-nimada iyo maamulka lagu fidiyo deegaamadan, waa dhul aad u wayn, waxana ka muuqda dib u dhac iyo inuu u baahan yahay maamul adag, waxa aynu samaysan doonaa talaabooyin qorshaysan.”

Wasiir Maxamuud ayaa sidoo kalena Odayaasha beelahaasi ugu baaqay inay dhinacooda fuliyaan heshiiskaasi waxanu yidhi“ Waxanu rajnaynaa inaynu dhamaanteen fulino heshiiskaas, waxa aynu ka shaqaynaynaa maanta inaynu dalkeenii dhisano, inaynu gacmaha is qabsano, inaynu qayrkeen iyo asaageenba la tartano.”

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.