Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland oo Maanta Dalka Dib Ugu Soo Laabtay

Hargeysa – (warsoor) – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Axmed Maxamed Silaanyo oo booqasho gaar ah ku joogay dalka Turkiga ayaa galabta ku soo guryo noqday caasimadda Somaliland ee Hargeysa.

Madaxweynaha oo muddo todobaad ah ku sugnaa magaaladda Busra ee dalka Turkiga oo u joogay halkaasi hawlo shaqsiga ah ayaa galabta si weyn loogu soo dhaweeyey magaaladda Hargeysa, waxaan soo dhawaynta madaxweynaha ka qayb-galay madaxweyne ku-xigeenka Somaliland, Gudoomiyaha ahna musharaxa xisbiga Kulmiye, xubno golaha wasiiradda iyo golayaasha qaranka ka tirsan iyo dadweyne kale tiro badan.

3

Madaxweynaha ayaa markii uu dalka ku soo laabtay waxa uu hambalyo u diray shacbiga dalka turkiga sida ay u taageereen dawladdooda iyo madaxweynahooda iyo sida geesinimada iyo waddaninimada leh ee ay isku hortaageen kuwii damacsanaa inay xukunka ka tuuraan dawladda sharciga ah ee la soo doortay, waxaanu sheegay madaxweynuhu inay taariikh dhigeen ummadda reer Turki, ka dib markii ay diideen, kana horyimaadeen kacdoonka ciidamada qaarkood ku kaceen.

Ugu dambayn madaxweynuhu waxa uu dhambaal hambalyo ah u diray duqayda, waxgaradka, Madax-dhaqameedka, siyaasiyiinta, bulshada gobolada, Sanaag, Xaysimo iyo Sool, ajiibida ay kaga qaybgaleen gogoshii nabadeed ee uu hore u fidiyey Madaxweynuhu iyo heshiiska ay ka gaadheen fadhigii maalmaha qaatay ee ku qabsoomay degmada Awr-boogays laguna ansixiyey heshiiskaas, dadka deegaankuna ay isku raaceen inay ummaddooda Somaliland wax la qaybsadaan, waxna la wada qabsado, iyadoo laysku duuban yahay, meelna looga soo wada jeedo danta qaranka oo qof walba faa’iido u ah, sidoo kalena waxa uu bogaadiyey una mahadnaqay intii kasoo shaqaysay arrintaa taariikhiga ah.

 Madaxweynaha waxa ku soo dhaweeyey madaarka Caalamiga ah ee Cigaal International Airport, Madaxweyne ku xigeenka Somaliland, xubno ka mida golaha wasiirada, xildhibaano, culimo awdiin, madax-dhaqameed, taliyeyaasha Ciidamada iyo bulshada qaybeheeda kala duwan qaarkood.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.