Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya oo Dooxa kula kulmay dhiggiisa Qatar

QADAR – (WARSOOR) – Wasiirka maaliyadda xukumadda Federaalka Soomaaliya Dr. Cilmi Maxamuud Nuur ayaa magaalada Dooxa ee dalka Qatar kulan muhiim ah kula yeeshay wasiirka maaliyadda dowladda Qatar Cali bin Axmed Al-kuwari.

Shirka ay yeesheen wasiirka maaliyadda Soomaaliya iyo dhiggiisa Qatar ayaa looga hadlay horumarinta dhaqaalaha Soomaaliya iyo dadaalada barnaamijka deyn cafinta Soomaaliya.

Wasiirka maaliyadda Soomaaliya ayaa dhiggiisa Qatar warbixin ka siiyey heerka uu marayo hannnaanka dib-u-habeynta maaliyadda Soomaaliya iyo dadaalada deyn cafinta.

Wasiirka maaliyadda Qatar ayaa soo dhaweeyey dadaalada dowladda Federaalka Soomaaliya ee dib u habeynta maaliyadda iyo dadaalada ay ugu jirto in laga cafiyo deymaha lagu leeyahay.

” Waxa aan maanta magaalada Dooxa ee xarunta dalka Qatar kulan miro-dhal ah kula yeeshay dhiggayga easiirka maaliyadda dowladda Qatar mudane Cali bin Acmed Al-kuwari.

Waxa aan ka wada hadalnay arrimo badan oo quseeya Horumarka dhaqaalaha Soomaaliya, waxaana ka mid ahaa, qorshaha dib u habeynta hannaanka Maaliyadda Soomaaliya iyo xoojinta xiriirka iskaashiga dhaqaalaha Qatar iyo Soomaaliya”. Ayuu yiri Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya Dr. Cilmi.