Pakistan: Sagaal askari oo ku dhimatay weerar ismiidaamin ah

PAKISTAN – (WARSOOR) – Ugu yaraan sagaal askari ayaa lagu dilay dhowr kalena waa lagu dhaawacay weerar ismiidaamin ah oo ka dhacay koofur galbeed gobolka Balochistan ee dalka Pakistan.

Ciidamada ayaa ku socdaalayay bas marayay degmada Kachhi ee gobolka Balochistan ,waxaana afhayeen Mehmood Khan Notizai uu sheegay in qofka  ismiidaamiyay uu watay mooto ,kaas oo si barer ah ugu dhacay gaarigaasi.

Saraakiisha ayaa sheegay in askartaasi  ay ka soo laabteen bandhig todobaad ka socday halkaasi,axaana sidoo kale, saraakiisha cisbitaalka ay sheegeen in ugu yaraan todobo ciidan ay ku dhaawacmeen weerarkaasi.

Kooxaha hubaysan ee qowmiyada Baloch ayaa muddo tobanaan sano ah dagaal kula jiray dowladda, iyagoo ku eedeeyay inay ka faaโ€™iidaysanayso gaaska iyo macdanta Balochistan ee hodanka ah.