Kaalinta Cilmiga Statisticska ee La Dagaalanka COVID 19: Tilmaan iyo Talo

Xog la helyaaba talo la helyaa. Qoraalkan waxaynu si kooban ugu soo bandhigi doonaa sida loogu adeegsado cilmiga statistics safmareenada, mana dhexgalayno faansaaradda la adeegsado, waayo waa cilmi balaadhan oo aqoon dheer iyo waayo aragnimo badan u baahan. Hadaba, kolka uu dilaaco safmareen caalamiyi sida COVID 19, waxa loo baahdaa in jawaabo loo helo, su’aalo ay ka mid yihiin : dal kasta intay leegtahay nisbada u ku dhacay (Infection Rate) iyo intay leegtahay nisbada uu dili karaa (Fatality Rate) kuwaas oon lagu ogaan karin inta warbixintooda laga helo meelaha gaarka ah ee ay la xidhiidhaan dadka bukaa laakiin u baahan in loo adeegsado cilmi baadhis xeeldheer oo ku dhisan in bulshadda laga qaado muunado bilaa baadi sooca (Random Samples) Cilmi baadhistaa waxa kale oo lagu ogaan karaa cida u nuguli cudurku astaamaha ay leedahay (Risk Factors). Kolka muunadahaa laga qaado bulshadda, waxa loo kala saaraa afar qaybood: mid laga helay fayraska astaamahii cudurkana leh (Symptomatic); mid laga helay fayraska astaamahiina aan kolkaa lahayn laakiin ay mar dambe ay ku soo baxaan (Presymptomatic); mid laga helay fayraska oon astaamahii cudurkuna aanay abid ka soo bixin (Asymptomatic) iyo mid ka fayow fayraska oo caafimaad qaba. Noocay doonanba ha noqdeene, saddexda qolo ee fayraska sidaaba way faafiyaan. Labada qolo ee kala ah: asymptomatic iyo presymptomatic waxa lagu kala saaraa laba usbuuc oo karantiimo la galiyo, kolkaa oo kuwa presymptomatic ah uu cudurku ku soo baxo.  Dhanka faafinta cudurka waxa ugu katar badan kuwa aanay astaamahu ka soo bixin ee laga cabsida qabin.

Cilmi baadhistan waxa kale oo looga faa’iidaystaa in lagu ogaado nisbada halkii qof ee cudurka qabaa inta qof ee uu u gudbin karo (Reproduction Rate). Taasoo lagu saadaaliyo sida cudurku u faafaayo iyo haddii aanu talaal jirin goorta dalkaasu gaadhi karo inuu yeesho difaac siman  (Herd Immunity) oo cudurka faafintiisu ku joogsato.

Dhinaca kale waxa xusid mudan, Waxa jira aragtiyo hore u jiray oo hadda soo laba kacleeyey, laakiin ay adagtahay sida cilmi ahaa lagu cadeeyaa. kuwasoo sheegayaa in cudurka safmareenka ah waxyeeladiisu ay ku xidhantahay ciida degaanka u cudurku ku dhacay. Shakiga jiritaanka arrintaasu waxay ka dhalatay, kolkay soo baxday in ay kala badantahay tirada dhimashadda ee Jarmalka iyo Ingriiska iyagoo si  isu dhow fayraska u xakameeyey. Aragti kale ayaa sheegaysa in fayraskani (coronavirus) uu raaco hawadda aan saafiga ahayn ee qiiqa wershadaha iyo baabuurtu sii daayaan haddaan la xakamayn. Arrintu siday doontaba ha noqotee, waxa is weydiin leh, tusaale ahaan, Hargeysa oo tirada dadkeeda iyo cidhiidhiga bulshaduba aad u badan yihiin, cudurkana aan dan ka galin ka foogjinaantiisa, maxaa saamayntiisu aad ugu yartahay? sidaa dad badani qabaan, waa fadliga Allah. Waxase loo baahanyahay, in lagu dadaalo sidii wax badan looga ogaan lahaa iyadoo aqoon la kaashanaayo, lagana bilaabaayo magaalooyinka waaweyn ee bulshada badani ku nooshahay.

Dr. Mohamed Yusuf Hassan

 UAE University

Al Ain

This post is also available in: Somali

Share via
Copy link
Powered by Social Snap