Wasiirka Ganacsiga XFS oo Shirka Jaamacadda Carabta ku soo bandhigay Sawirro Muujinaya Kheyraadka dalka

Muqdisho (warsoor) Wasiirka Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha Xukuumadda Soomaaliya Maxamed Cabdi Xayir Maareeye oo ka qeyb galay Shirka Wasaaraddaha Ganacsiga Jaamacadda Carabta ayaa kasoo qeybgalayaashii wuxuu u qeybiyay Sawirro muujinaya Kheyraadka Dalka Soomaaliya.

Sawiraddan uu Wasiirka la wadaagay wasiiradda Jaamacada carabta ayaa waxay muujinayeen sida Soomaaliya hodan uga tahay Kaluunka, Dalaga Beeraha iyo Xoolaha nool.

Wasiirka ayaa sidoo kale ku wareejiyay dhigiisa dalka Kuwait Khudrad nuucyo kala duwan ah sida Moos, Cambe, liin, Isbaandhays iyo Alaab dhaqan oo kale, isagoona kala hadlay sidii Labada dal u dhex mari lahaa Iskaashi dhinaca Ganacsiga iyo Horumarinta Kaabayaasha Dhaqaalaha.

Dhinaca kale Maxamed Cabdi Maareeya ayaa kulamo gooni gooni ah la qaatay qaar ka mid ah Wasiiradda Ganacsiga iyo Warshadaha ee Jaamacadda Carabta, waxaana uu uga waramay Fursadaha Maalgashi eek a banaan Soomaaliya.

Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa dadaal ugu jirta sidii Ganacsiga iyo Wax soosaarka Soomaaliya ay ugu xiri laheyd Caalamka.

 

Xigasho: sonna

 

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.