Qaar ka mid ah Musharaxiinta Xilka Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo Maanta Khudbado jeedin doona

Muqdisho – (warsoor) – Xildhibaanada Golaha Shacabka Baarlamaanka Soomaaliya ayaa maanta dhageysan doona Khudbado waxqabadkooda ay kusoo bandhigayaan qaar ka mid ah Musharaxiinta u tartamaya Xilka Guddoonka Golaha Shacabka.

Musharaxiinta xilkan u tartamaya oo gaaraya 11 ayaa soo buuxiyay dhamaan Shuruudihii laga doonayay, waxaana maanta Khudbadaha jeedin doona Lix ka mid ah halka qeybta labaad ee Khudbad jeedintana ay dhici doonto maalinta beri ah.

Guddiga Doorashada Guddoomiyaha Golaha Shacabka ayaa shalay soo gabagabeeyay Diiwaangelinta Musharixiinta u taagan Xilkan Guddoomiyaha Golaha shacabka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waxayna kala yihiin Magacyada Musharaxiinta is diiwaan galiyay Xildhibaan Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Sheekh Aadan Madoobe), Xildhibaan C/casiis Xasan Maxamed (Lafta Gareen), Xildhibaan Sheekh Cali Sheekh Maxamed Nuur, Xildhibaan Ibraahim Isaaq Yarow, Xiildhibaan Prof. Saalim Caliyo Ibrow, Xildhibaan Shariif Sheekh Maye, Xildhibaan Idiris Cabdi Dhaktar, Xildhibaan Maxamed Mursal Cabdi raxmaan, Xildhibaan Shariif Maxamed Cabdella, Xildhibaan Maxamuud Macalin Yaxye iyo Xildhibaan Iimaan Cabdulaahi Cali.

30-ka Bishan oo ku began Maalinta Isniinta ee soo socota ayay dhaceysaa Doorashada Guddoomiyaha Golaha Shacabka.

 

xigasho: Sonna

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.