Wasiirka Caafimaadka XFS oo shaacisay in la heley qof labaad oo qaba Coronavirus

Muqdisho – (warsoor) Wasiirka Caafimaadka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya oo la hadashey Warbaahinta Qaranka ayaa faah faahisay kiiska qof labaad oo qaba cudurka Corona Virus oo dalka laga heley,kaasi oo ka yimid dalka Talyaaniga maalmana la hayay.

Marwo Fowsiyo Abiikar Nuur Wasiirka Caafimaadka dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa xaqiijisay in dalka laga heley kkiiskii labaad ee qof qaba xanuunka Corona Virus,kaasi oo muddooyinkii ugu dambeeyey dhibaatooyin ku hayay bulshada caalamka.

Waxay sheegtay in qofka laga heley xanuunka COVID-19  uu dhowaan dalka yimid isla markaana kamid ahaa dadka laga shakiyay ka dibna la baaray sidaasna lagu xaqiijiyay.

Wasiirka  Caafimaadka ayaa sidoo kale sheegtay in qofka laga heley cudurka COVID-19 hadda xaaladiisa degan tahay,isla markaana aysan ka muuqan wax calaamad ah oo tilmaamaya cudurka.

“Kiiskaan waa kiiskii labaad ee la helo,baaritaan aan isbuucii hore aan dirnay ayuu jawaab u ahaa,waxaan la wadaagnay bulshada, kiisaasi waa positive,ma ahan mid calamaduhu ay ka muuqdaan,ilaahayna waxaan uga baryaynaa in uusan cudurka ku soo bixin oo aanu faafin,wuxuu kamid yahay dadka karantiilka kujira,.

Wuu fiicanyahay qofka,laakiinse waxaan rabnaa ilaa baaritaanka lagu hayo in meel gooni ah lagu haayo ilaa laga xaqiijiyo in cudurkan uu ka caafimaaday”. Ayay tiri wasiir Fowsiyo Abiikar Nuur.

Iyadoo hadalkeedi sii wada ayay ugu baaqaday bulshada in ay ka feejignaadaan fiditaanka cudurkan halista ah,waxaana ay ku baaqday in wacyigelinta bulshada la sii xoojiyo.

Xigasho: Sonna