Puntland oo Wax ka Badeshay Amar Masaajida iyo Madarasadaha lagu Xidhay

Garoowe – (WARSOOR) – Kadib markii maalinka ka hor maamulka Puntland uu amray in la xidho dhamaan masaaajidda iyo dugsiyada Qurโ€™aanka ee deeganada maamulkaas, si looga hor tago faafidda cudurka Coronavirus, ayaa waxaa goโ€™aankaas dib u eegis ku sameeyey wasaaradda cadaaladda Puntland.

Wasiirka cadaaladda Puntland Cawil Sheekh Xaamud oo kulan gaar ah la qaatay culimada masaajidda deegaanada maamulka ayaa sheegay in la khafiifiyey goโ€™aankii hore ee lagu xiray masaajidda.

Wasiirka ayaa sheegay in wasaaradda cadaaladda iyo culimada Puntland ay isku raaceen in masaajiddu sii furnaadaan, balse la xiro musqulaha iyo goobaha lagu weesaysto ee masaajidda.

Sidoo kale wasiirka ayaa culimada ka dalbaday in la dhowro nadaafadda goobaha cibaadada ee la iskugu imaanayo.

Wasiirka ayaa sidoo kale sheegay, in masaajidda ku yaalla Puntland ay sii furnaan doonaan, hadii aan kiisas Coronavirus ah laga helin gudaha Puntland, hayee yeeshee hadii la arko kiisas cusub oo la xariira cudurkaas la xiro doono goob kasta oo la iskugu yimaado.