Wasiirka Caafimaadka Soomaaliya Oo Saxiixday Siyaasadda Tallaalka Qaranka

Muqdisho – (warsoor) –  Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Marwo Fawziya Abiikar Nuur ayaa maanta waxa ay saxiixday Siyaasadda Tallaalka Qaranka, taasi oo hagi doonta dhammaan hawlaha laxiriria Tallaalka.

Siyaasadani waxa ay qayb wayn ka qaadanaysaa horumarinta iyo bixinta adeegyada tallaalka la xidhiidha ee la siiyo carruurta Soomaaliyeed.

“Tallaalku wuxuu muhiim u yahay dalkeena maadaama ay ku badan yihiin cudurrada faafa ee laga hortagi karo haddii lahelo tallaaladii ku haboonaa”. Ayay tidhi Marwo Fawziya Abiikar Nuur.