RW Kheyre Oo Qaabilay Madaxda Warbaahinta Gaarka Ah iyo Ururrada U Dooda Xuquuqda Suxufiyiinta

Muqdisho – (warsoor) –  Ra’iisul Wasaaraha Jamhuuriyadda mudane Xasan Cali Kheyre ayaa maanta kulan gaar ah la yeeshay madaxda Warbaahinta gaarka ah iyo ururrada u dooda xuquuqda suxufiyiinta.

Mudane Xasan Cali Kheyre ayaa hoosta ka xarriiqay in Xukuumaddu ku garab taagan tahay suxufiyiinta gudashada waajibaadkooda shaqo, isagoo kula dar daarmay inay ka shaqeeyaan horumarka iyo midnimada.

Kulanka ayaa ku soo idlaaday sidii loogu talagalay.