Puntland iyo Galmudug oo kala saxiixday heshiis ku saabsan qaadista Canshuuraha

Gaalkacyo – (warsoor) – Heshiiskan ay kala Saxiixdeen Wasaaradaha Maaliyadda Galmudug iyo Puntland ayaa maanta ka dhacay Magaalada Gaalkacy, waxaana Kulanka  waxaa goobjoog ka ahaa wasiir ku-xigeenada Maaliyadda maamulada Galmudug iyo Puntland xubno ka socday Gobolka iyo laamaha Amniga

Agaasimaha guud wasaaradda Maaliyadda Galmudug Cumar Xasan Xaaj ayaa sheegay in Heshiiskan uu horseedi doono in wax badan ku soo kordhiyo sare u qaadista qaadista canshuurta labada dhinac.

Wasiir ku-xigeenada Maaliyadda Cabdi Warsame Ibraahim iyo Muqtaar Cali Cismaan ayaa tilmaamay inay muhiim tahay dhaqangalinta Heshiiskan.