Wasiirka Arimaha Gudaha Somaliland oo Soo Kormeeray Goobihii Lagu Dagaalamaay ee Gobolka Sanaag

Ceeri-gaabo – (warsoor) – Wefti uu hogaaminaayey Wasiirka Arimaha Gudaha Somaliland Md. Yaasin Maxamud Xiir Faratoon ayaa soo kormeeray saddex goobood ay ku dagalamaeen beelo walaalo ah oo wadda degga gobolka Sanaag.

Wasiirka Arimaha Gudaha Somaliland Md. Faratoon oo kormeerkan ay ku weheliyaan Wasiiru dawlaha xanaanadda xoolaha, wasiirka duulista iyo hawadda iyo badhasaabka gobolka Sanaag, waxaanay kormeer ku soo mareen deegaanka Bacaha, Duguble iyo Dhuxulaaley.

Wasiirka ayaa goobahaasi soo indho indheeyey waxaanu halkaasi warbixino kala duwan kaga dhagaystay masuuliyiinta gobolka iyo qaar ka mid ah madax-dhaqameedyo u guntaday inay nabad dhex dhigaan labada beelood eek u dagaalamay deegaanaddaas.

Wasiirka Arimaha Gudaha Somaliland Md. Yasiin Faratoon ayaa sidoo kale booqday ciidamada Qaranka Somaliland guuto ka mid ah oo kala dhex galay labada beelood ee ku dagaalamay deegaanka Bacaha. Waxaanu wasiirku hogaadiyey hawsha ay hayaan ciidamada qaranka Somaliland.

Halkan ka daawo warka  Wasiirka Arimaha Gudaha Somaliland oo aanu ka soo xiganay Suxufi Cabdiraxmaan Saylici:

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.