“Dalkhiga qarankan Somaliland kala badh Ayaa ka soo Baxa Berbera, Baahiyaha Yaalana In Wax Laga Qabtaa Waa muhiim.”Wasiirka Madaxtooyada JSL

Berbera – (warsoor) – Wasiirka Wasaarada Madaxtooyada Somaliland Maxamuud Xaashi Cabdi ayaa  ka hadlay waxqabadka baaxda leh ee Xukuumadda Madaxweyne Axmed SIilaanyo ay ka hirgalisay Gobolka Saaxil.

Wasiir Xaashi ayaa sheegay in Xukuumadda Somaliland ay gobolkaasi ka hirgalisay mashaariica horumarineed oo baaxad leh, isaga oo sidoo kalena meesha ka saaray ina Ay xukuumadu shaki ka qabto shirka baxarasaafka oo dadka deegaankaasi ay u balan san yihiin.

dsc_0378

Maxamuud Xaashi Cabdi ayaa arrimahaasi kaga hadlay munaasibad lagu furayey laba dugsi oo Boodhin ah oo ay hirgalisay gudida horumarinta gobolka Saaxil ee Dan iy Duco waxaanu yidhi “ Waxanu ka mahad celinaynaa soo dhawantii qiimaha badnayd ee madaxweynaha iyo waftigii la socday naloo sameeyey, mar labaadka waxaan hambalyeynayaa gudida horumarinta gobolka Saaxil ee Dan iy Duco guusha wayn ee ay ku talaabsadeen iyo labadan dugsi ee Boodhinka ah ee ay sameeyeen, ILAHAY-na waxaanu uga baryeynaa inuu miisaanka xasanaadkooda ugu biiriyo.”

“ Arrintani waxay tusaale cad u tahay in umaddu marka ay isu tagto inay wax qabsan karto, Xukuumadda Madaxweyne Axmed Siilaanyo hogaamiyaha ka yahay ee xisbiga KULMIYE waxa ka mida arimihii ay qarankan ku soo kordhisay in dadka la guubaabiyo oo la niyad galiyo, laguna abuuro hami waxqabsi iyo himilo dheer, Lixdii sano wax badan ayaa arrimahaas lagu qabtay, wadooyin ayaa ku dhismay, gudiyadii horumarinta ee deegaamadu horumarku wuxuu u kala badnaa sidii ay ku la tamar badnaayeen, ama u kala quudhid badnaayeen oo guntiga dhiisha iska dhigeen, mid kaliya horumarkaa oo ay xukuumaddu ka maqan tahay ma jiro, qolo waliba xawligay ka waday ayaanu anaguna siyaasad ka dhiganay in aanu wax ku biirino.”

Wasiir Maxamuud Xaashi ayaa sidoo kale ka hadlay waxqabadka ka qabsoomay Saaxil waxaanu yidhi “ Madaxweyne Siilaanyo Xukuumadiisu wax badan ayey gobolkan ka qabatay, waxaan odhan karaa gobolkan iyo xisbiga KULMIYE isku dhiig ayey noqdeen, wixii laga qabtayna waa wax cad oo aan cidina dafiri karin, sida cadceedaa aynu aragno, sida labaa Iskuul ee aynu maanta joogno, indhihii caafimaadka qabaa waa arkaa. Waxyaabaha gobolkan laga qabtay ee bartilmaameedka ah waxa ka mida, qorshe ayaa loo sameeyey wax badan ayaa ka najaxay qorsheyaashaas, mashaariicda SSDF ilaa dhawr iyo tobadan milyan oo doolar ayaa gobolkan Saaxil la galiyey. Mudadii lixda sano ahayd wax badan oo aan dhawr iyo tobanka sano ee kale ka qabsoomin ayaa gobolka Saaxil ka qabsoomay, maaha been iyo faan waa run, waa waxa lagu xisaabin doono Axmed Siilaanyo Xukuumadiisa iyo xisbiga KULMIYE.”

Wasiirka Madaxtooyada ayaa sidoo kalena meesha ka saaray inuu jiro shaki ay Xukuumadda Madaxweyne Siilanayo ka qabto shirka beesha deegaanka Saaxil waxaanu yidhi “ Qaranka waxbaa loo qaybinayaa waxna waa loo qorshaynayaa si cadaalad ah, maaha waxa loogu badinayey Axmed Siilaanyo ayaa la xidid ah Saaxil, hasayeeshee waxa la qiimaynayey waa hal-bawlaha dhaqaalaha ee qaranka, in wax lagu celiyo qarankan waa lagama maarmaan, dalkhiga qarankan kala badh ayaa ka soo baxa Berbera Baahiyaha yaalana in wax laga qabtaa waa muhiim, halkaas ayaanu ka sii wadi doonaaa. Gobolka Saaxil bulshada taala waanu hambalyeynaynaa, sida ay u taageereen waxqabadkaa, sida ay u soo dhaweeyeen, gobanimada reer Saaxil-na waanu qiraynaa. Saaxiibkay Saciid Cilmi-na waxaan leeyahay Shirka baxarasaafka kama shakisanin oo saaxil waxaas ayaanu ka qabanay, dawladuhu way is qiimeeyeen, mucaaradad xoog leh halkan ka fili mayno, waxaayo waxaanu ku leeyahay dayn (credit)  faro badan, isagana waanu soo dhawaynaynaa.”  Ayuu yidhi Mudane Maxamuud Xaashi.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

“Dalkhiga qarankan Somaliland kala badh Ayaa ka soo Baxa Berbera, Baahiyaha Yaalana In Wax Laga Qabtaa Waa muhiim.”Wasiirka Madaxtooyada JSL

Berbera – (warsoor) – Wasiirka Wasaarada Madaxtooyada Somaliland Maxamuud Xaashi Cabdi ayaa  ka hadlay waxqabadka baaxda leh ee Xukuumadda Madaxweyne Axmed SIilaanyo ay ka hirgalisay Gobolka Saaxil.

Wasiir Xaashi ayaa sheegay in XUkuumadda Somaliland ay gobolkaasi ka hirgalisay mashaariica horumarineed oo baaxad leh, isaga oo sidoo kalena meesha ka saaray ina Ay xukuumadu shaki ka qabto shirka baxarasaafka oo dadka deegaankaasi ay u balan san yihiin.