Wasiirka Amniga Soomaaliya: “Waa been abuur inaan is casilayo, mana ahi musharax madaxweyne”

Mudisho – (warsoor) – Wasiirka Amniga Gudaha dawladda Federal-ka ee Soomaaliya, Cabdirisaq Cumar Maxamed ayaa sheegay in uusan ahayn musharax u taagan qabashada Xilka Madaxweyne ee maamulka Hiiraan iyo Shabeelaha Dhexe.

Wasiirka ayaa u xaqiijiyey Wakaaladda Wararka SONNA in sidoo kale aysan waxba ka jirin warar dhawaan ay daabaceen warbaahinta gudaha qaarkeed.

wasiirkaamiga

“Waa dacaayad, waana been aan sal iyo raad toona lahayn inaan is casilayo, Musharax u taagan in uu qabto xilka madaxtinimo ee muumulka loo dhisayo Hiiraan iyo Shabeelaha Dhexe-na ma ahi, mana danaynayo hadda, wax aan jirin oo xaqiiqda ka fog bay qoreen”, sidaa waxaa SONNA u sheegay Wasiirka Amniga Gudaha, Cabdirisaq Cumar.

Hadalka Wasiirka Amniga ayaa imaanayo xili maalmihii la soo dhaafay ay warbaahinta qaar iyo baraha bulshadaba ay qorayeen warar sheegay in Wasiirka uu xilka wasiirnimo iska casilayo, uuna doonayo in uu isu sharaxo madaxweynenimada maamulka aan weli la dhisin ee ay yeelanayaan gobalada Hiiraan iyo Shabeelaha Dhexe.

Maxamed Cisman Cabdi “Black Cobra

Xigasho: Sonna

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.