Wasiir Beyle oo la Kulmay Michael Keating iyo Xubno kale oo Qaramada Midoobay ka socda

Muqdisho – (warsoor) – Wasiirka Maaliyadda Xukuumadda Federalka Soomaaliya Mudane Cabdiraxmaan Ducaale Beyle oo ay wehliyaan qaar ka mid ah Wasiirada Xukuumadda ayaa maanta la shiray Madaxda xafiiska Qaramada midoobay ee Somaliya uu ugu horeeyo Michael Keating iyo Xubno kale oo Un-ka ah.

Shirka ayaa ku saabsanaa sidii loo xoojin lahaa wadashaqaynta Qaramada Midoobay iyo Dowladda Federaalka Soomaaliya , bixinta Canshuuraha waajibka ah, sugidda Amniga, dib u eegista heshiiska SOMA iyo in wada jir looga shaqeeyo qorshayaasha guud ee labada dhinac.

Wakiilka Qaramada Midoobay ee Soomaliya Michael Keating ayaa u mahadceliyay Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda XFS Dr Bayleh iyo qaabka uu usoo agaasimay shirka, isagoona balan qaaday in Qaramada Midoobay ay si dhaw ula shaqeyn doonto hey’adaha kala duwan ee Dowladda.

Sidoo kale Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya Md Cabdiraxman Ducaale ayaa ka dalbaday Madaxda Q.M in ay Dowladda kala shaqeeyaan kor u qaadida Dakhliga Dalka oo la doonayo sanad kaan 2018 inuu ka badnaado sanadii hore.

Gabagabadii shirka ayaa waxaa lagu magacaabay guddi labada dhinac ah oo ka wada shaqeyn doona dib u eegista heshiiska SOMA.

Xigasho: SONNA

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.