Wasaradda Warfaafinta oo Dib u Habayn Ku Samaysay Gunadda iyo Mushaharka Shaqaalaha oo aan Sinaan Jirin

Hargeysa – (warsoor) – Wasaaradda Warfaafinta iyo Wacy-galinta Somaliland ayaa soo gabo-gabaysay qorshe ay muddooyinkii dambe ku doonaysay in ay dib u habayn iyo dib u eegis ku samayso gunaadda iyo mushaharka ay qaataan shaqaalaha wasaaradda oo aad u kala duwanaa.

Wasiirka Warfaafinta Md. Cismaan Cabdilaahi Saxardiid Cadaani ayaa tan iyo markii loo soo magacaabay wasaaradda warfaafinta waxa uu bilaabay qorshe uu ku doonaayo in gunadda iyo mushaharka shaqaalaha dib loo eego ka dib markii ay soo baxday in shaqaalaha isku hawsha ahi ay aad ugu kala duwan yihiin.

Wasiirka Warfaafinta iyo masuuliyiinta wasaradda ayaa maanta kulan iskugu yeedhay dhamaan shaqaalaha wasaaradda waxaanay kaga warbixiyeen dadaalkii ay wasaaraddu u soo gashay in dib u habayn lagu sameeyo gunadda iyo mushaharka shaqaalaha.

Halkan ka daawo warka wasiirka warfaafinta:

https://www.youtube.com/watch?v=L4rStBx2T2M&feature=youtu.be

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.