Xukuumadda oo Macnuucday in Baasaboorka Soomaaliya ee Lagu Dhex Sameeyo Somaliland In Lagu Safro

Hargaysa – (warsoor) – Xukuumadda Somaliland ayaa maanta ku dhawaaqday in ay mamnuucday in baasaboorka Soomaaliya ee lagu sameeyo Somaliland gudaheeda in aanu lagu safri doonin dalka dibadiisa. Go’aankan oo ay maanta si wadda jir ah u soo badhigeen wasaaradda Arimaha Gudaha iyo Wasaaradda Duulista Hawadda Somaliland.

Shirkan oo ka dhacay wasaaradda Arimaha Gudaha Somaliland waxaa ka soo qayb-galay Wasiirada Wasaaradaha  Arrimaha Gudaha Yaasiin Xaaji Maxamuud Xiir, Wasiirka Duuliska, Hawada iyo gaadiidka Cirka Farxaan  Aadan Haybe, oo  ay  wehelinayaan  Wasiiru Dawlaha Amniga Maxamed Muuse Diiriye, Taliyaha Ciidamada Boliska Sareeye Guudo  Cabdillaahi Fadal Iimaan,  iyo Taliyaha Ciidanka Laanta Socdaalka Maxamed Cismaan Caalin.

Shirkan ayaa  lagu mabnuucay guud ahaanba  in   lagu  joojiyey  isticmaalka iyo ku  Safrida Baasaboorka Soomaaliya ee lagu  sameeyo  gudaha Somaliland.

Shirkan ayaa markii uu dhamaaday waxaa laga soo saaray go’aamadan hoos ku xusan:

1-In  gabi  ahaanba  la  joojiyo  qaadashada , istimaalka  iyo  ku  safarka  baasaboorka  soomaliya ee  kazoo  baxay  ama  ku  qorantahay  in lagu  sameeyey   goob  kamida  dhulweynaha  jamhuuriyada  Somaliland  laga  bilaabo January 2017.

2-  Dhamaan  Shirkadaha  safarka iyo diyaaradaha ( Airlines and  Travel Agencies) kuma  jari karaan  tigidh  baasaboorka  kor  ku  sheegan  ee la  mamnuucay isticmaalkiisa.

3-  Dhamaan  laamaha  Socdaalka  iyo   amniga waxa  la farayaa  in aan   baasaboorkan dalka  lagu   soo  gali karin lagagana  bixi  karin.

Xukuumadda Somaliland ayaa hore u mamnuucday qaadashadda baasaboorka Soomaaliya ee lagu sameeyo dalka gudihiisa, waxaanay xukuumaddu albaabadda iskugu dhufatay guryo suuq-madow ah oo lagu samayn jiray baasaboorka Soomaaliya oo ku yaalay dalka gudihiisa.

Balse talaabadaasay may soo af-garin qaadashada baasaboorka Soomaaliya, muddo ka dib ayaa la soo sheegay in dalka gudihiisa hadda laga bilaabay samaynta baasaboorka Soomaaliya.

Halkan ka daawo shirka jaraa’id ee wasiirka arimaha gudaha:

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.