Wasaaradda waxbarashada kulan u qabatay gudoomiyeyaasha waxbarashada ee gobollada dalka

Hargeysa – (warsoor) – Wasiirka wasaaradda waxbarashada iyo Sayniska Jamhuuriyadda Somaliland ayaa kulan u furay guddoomiyeyaasha gobollada iyo agaasime waaxeedyada wasaaradaasi.

Kulan hawleedkan oo ay ka soo qayb galeen agaasime waaxeedyada wasaaradda waxbarashada iyo guddoomiyeyaasha gobollada oo ujeedadiisu ahayd sidii laysaga xogwaraysan lahaa saamaynta uu xannuunka Covid-19 ku yeeshay waxbarashada dalka.

Ugu horayn waxa kulankaas ka hadlay agaasimihii hore ee waaxda qorsheynta ee wasaaradda waxbarashada Warda Maxamuud Cali iyo  madaxa waxbarashada ee hay’adda Save The Children Cabdinaasir Cali Saahal, oo ka xogwaramay kulankaas iyo waxa uu daaraan, iyaga oo sheegay in lagu darsi doono sidii looga gaashaaman lahaa marka ay yimaadaan xaalado deg-dega ahi.

Geesta kale, agaasimaha guud ee wasaaradda waxbarashada iyo Sayniska Somaliland Axmed Abokor Maxamed, oo halkaas ka hadlay ayaa sheegay in ay muhiim tahay xaalad kasta oo lagu jiro in Ardayga reer Somaliland uu helo waxbarasho,  isla markaana laga diyaar garoobo xaaladaha deg-dega ah ee soo food saara waxbarashada.

Gabogabadii waxa halkaas ka hadlay wasiirka wasaaradda waxbarashada iyo Sayniska Jamhuuriyadda Somaliland Axmed Maxamed Diiriye (Toorno) oo tilmaamay inay haboon tahay in ay iskaashadaan qaybaha waxbarashada ee degmooyinka, gobollada iyo heer qaranba si loo taabo galiyo waxbarasho tayo leh oo ay kasbadaan da’ayarta wadanku, isaga oo xusay in qorshuhu ahaa in saddex qaybood xooga la saaro oo kala ah kordhinta goobaha waxbarashada, tayeynta tacliinta iyo kor u qaadida maamulka waxbarashada.