Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee Somaliland iyo Safiirka Midawga Yurub oo kulan wada yeeshay

Hargeysa – (warsoor) – Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Somaliland, ahna Guddoomiyaha Guddida Caddaaladda Garyaqaan Aadan Xaaji Cali Axmed iyo Safiirka Midawga Yurub u qaabilsan arrimaha Somaliland iyo Soomaaliya Ambassador Nicholas Berlanga, ayaa kulan ay wada yeesheen kaga hadlay arrimo kala duwan oo ay ka mid yihiin taageerada midawga Yurub uu siiso Hay’adda Garsoorka iyo bahda caddaaladda Somaliland.

Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Somaliland Garyaqaan Aadan Xaaji Cali Axmed, ayaa xafiiskiisa ku qaabilay safiirka Midowga Yurub u qaabilsan Somaliland iyo Soomaaliya Ambassador Nicholas Berlanga.

Kulanka ayaa lagaga wada hadlay arrimo ay ka mid yihiin wada shaqaynta ka dhexaysa Midowga Yurub iyo Jamhuuriyadda Somaliland, gaar ahaan Hay’adda Garsoorka, waxaana uu Safiirku xusay sida ay Midowga Yurub uga go’an tahay sidii ay u sii wadi lahaayeen taageerada ay siiyaan Hay’adda Garsoorka iyo hay’addaha ay wada-shaqaynta leeyihiin, sida Booliiska, Asluubta, caddaaladda iyo xuquuqul-insaanka, guddoomiyaha iyo Safiirka ayaa sidoo kale iska xog-waraystay doorashooyinka isku sidkan ee la filayo in ay dalka ka qabsoomaan.

Ugu danbayn, Guddoomiyaha Maxkamadda Sare waxa uu uga mahadceliyay Safiirka Midowga Yurub ee Somaliland iyo Soomaaliya doorka shariifka ah ee Midowga Yurub ka gaysato taageerada ay siiyaan Hay’adda Garsoorka Jamhuuriyadda Somaliland, geestiisana Ambassador Nicholas Berlanga waxa uu garsoorka  Somaliland ku ammaanay doorka muuqda ee ay ku leeyihiin dawlad-wanaagga, caddaaladda iyo xuquuqda aadamaha, ayaa lagu yidhi qoraalka laga soo saaray kulanka dhexmaray Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Somaliland iyo Safiirka Midawga Yurub.