Wasaaradda Ganacsiga iyo Rugta Ganacsiga Somaliland oo Ganacsatadda Ku War-galisay Inay Ka Qayb-Galaan Shir Ganacsiga oo Ka Dhici Doona Jarmalka

Hargeysa – (warsoor) – Shir jaraa’id oo ay maanta si wadda jir ah u soo saareen Rugta Ganacsiga Somaliland iyo wasaaradda Ganacsiga iyo Maal-gashiga Somaliland ayaa lagu war-galin ay ganacsatadda Somaliland inay ka qayb-galaan shir maal-gashi oo ka dhici doona dalka Jamarka bisha June.

Shirkan jaraa’id oo maanta ka dhacay magaaladda Hargeysa waxaay masuuliyiintii shirkaasi ka hadashay ay ku booriyeen ganacsatadda Somaliland inay ka qayb-galaan shirkan.

shirka_jaraagid_Rugta&wasaarad_ganacsiga

Halkan ka akhriso shirkaasi jaraa’id ee ay soo wadda saareen Rugta Ganacsiga iyo Wasaaradda Ganacsiga iyo Maal-gashiga Somaliland oo u dhignaa sidan:

“Maanta oo ay Taariikhdu tahay 01.05.2016-ka, Wasaaradda Ganacsiga iyo Maalgashiga, Wasaardda Arimaha Dibadda iyo Xidhiidhka Caalamiga iyo Rugta Ganacsiga ee Jam. Somaliland waxay si wada jir ah halkan uga soo saarayaan War-murtiyeed aanu si rasmi ah ugu iclaaminayno in la qaban doono Shir heer caalami ah oo ku saabsan Ganacsiga iyo Maalgashiga Jam. Somaliland (Germany_ Somaliland Trade and Investment Conference) kaasoo (Insha Allah) ka dhici doona Dalka Germany gaar ahaan Caasimada Berlin, taariikhdu markay tahay 06.06 2016-ka.

Shirkani waxa uu daba socdaa shirkii Maalgashiga ee hore uga dhacay Dalka Ingiriiska oo lagu qabtay magaalada London 24.10. 2014-kii (UK_Somaliland Trade and Investment Conference). Shirkan ka dhici doona Dalweynaha Jarmalka waxa diiradda lagu saari doonaa dar-dar gelinta iyo dhiirri-gelinta fursadaha Maalgashi iyo dhaq-dhaqaaqyada Ganacsi ee u dhexayn kara ama ay yeelan karaan labada dal ee Jam. Somalinad iyo Germany.

Haddaba, guud ahaanba ujeedooyinka ugu muhiimsan ee ay Xukuumadda Jam. Somaliland ka leedahay shirka Berlin waxay kala yihiin:

  1. In Dalkeenu Shirkaa Berlin ku soo bandhigo Khayraadka baaxadda leh ee dihin ee ku duugan Dalkeena, kuwaasoo ay ka mid yihiin: Xoolaha Nool, Beeraha, Kaluunka, Noocyada kala duwan ee Macdanta, Shidaalka iyo Tamarta ku jirta dhulka hoostiisa, Xabkaha iyo Faleenka, Sibidhka, Milixda, Dalxiiska iyo khayraadka kaleba.
  2. In khayraadka Dalkeena ceegaaga loo helo Maalgashi Shisheeye, ha noqdo maalgashi Dawli ah ama mid gaar loo leeyahay. Tallaabadani waxay Qaranka JSL u horseedi kartaa in dhaqaaluhu si weyn u kobco, in lala dagaalama faqriga, in da’yarta loo abuuro shaqooyin si ay rajadooda iyo filashadooduba kor ugu kacaan, taasina ay wax ka bedeli doonto Aafada Tahriibta oo halis ku ah jiritaanka nololeed iyo aayaha mustaqbalka da’yarteena.
  3. In Ganacsatada u dhalatay Jam. Somaliland ay helaan fursad ay kula kulmi karaan oo ay ku bartaan Ganacsata Germany isla markaana ay isu waydaarsan lahayeen xog iyo waayo-aragnimo la xidhiidha fursadaha xagga Ganacsiga iyo Maalgashiga.
  4. In la suurto galiyo sidii loo heli lahaa fursado Maalgashi oo ay si Wadajir ah u sameeyaan Ganacsatada reer Somaliland iyo Ganacsatada u dhalatay Dalweynaha Jarmalka.

Sidaa darteed, Wasaaradda Ganacsiga iyo Maalgashiga, Wasaardda Arimaha Dibadda iyo Xidhiidhka Caalamiga iyo Rugta Ganacsigu waxay si wada jir ah ugu dhiiri-galinayaan in Ganacsatada Dalka Jam. Somaliland ay si mug iyo miisaanba leh uga qayb qaataan Shirkan 06.06.2016-ka ka dhici doona Caasimada Dalka Germany ee Berlin. Ganacsatada reer Somaliland waxaanu si weyn ugu boorinaynaa inay ka faa’iidaystaan Fursadaa iyada ah isla markaana ay si aqooni ku dheehantahay u soo bandhigaan noocyada kala duwan ee adeegyada gancasigooda si ay dalka ugu soo jiidi karaan fursado ay dadka iyo dalka Germany dalkeena ku Maalgashan karaan iyo xidhiidh cusub oo Ganacsi oo labada dal ka hanaqaada”.

shirka_jaraagid_Rugta&wasaarad_ganacsiga2

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.