Sanboor

sanboorkaSanboorka & allerjiyada waxaa sababa marka uu jirku la kulmo wax uu xasaasi u yahay sida ubax, boor, habaas iwm. Taasi waxay sababtaa inuu jirko soo daayo kiimiko loo yaqaano histamine oo iyaduna markaa keenta calaamadaha lagu arko qofka qaba sanboorka iyo xasaasiyada. Calaamaduhu waay kala duwanaan karaan, dadka qaarkiis wuxuu hayaa waqti kooban waxayna isku arkaan calaamado khafiif. Dadka qaarkiisana waxaa ku dhaca mid aad u daran socdana xili aad u dheer. Calaamadaha waxaa ka mid ah:

  • Calaamadaha badanaa la isku arko – san cun-cun iyo caburid, duuf joogta ah, hindhiso, indhaha oo cun-cuna, ilmeeya kadibna midabkoodu casaan noqdo. Calaamadahaas mararka qaarkood waxay ku koobnaadaan sanka, mararna indhaha oo keliya.
  • Calaamadaha aan sidaa loo arag – waxaa ka mid ah urka oo kaa taga, wejiga oo ku xanuuna, dhidid iyo madax-xanuun.
  • Calaamadaha neefta – sida xiiqda iyo neefta oo kugu dhegta, waxaana suurtagal ah inay sii xumaato haddii aad horey neef u qabtey. Dadka qaarkood waxey isku arkaan calaamadaha neefta waqtiga uu sanboorku jiro oo keliya.

Sanboorka haddii aan daawo loo qaadan wuxuu khal-khal galin karaa hurdada, wuxuu wax u dhimi karaa waxbarashada amaba kugu khasbi karaa inaad shaqada fasax ka qaadato maalmo badan.

Sanboorka waxaa badanaa lagu daaweeyaa daawooyin ka hortaga soo deynta kiimikada histamine. Hase yeeshee daawada ugu fiican waa inaad ogaatid waxa kugu keena kadibna ka fogaatid.

Doorashada nooca daawada:

Daawada lagu siinayo waxay ku xiran tahay calaamadaha kaa muuqda waxayna noqon karaan kaniini, mid san lagu buufiyo ama miid indhaha lagu dhibciyo. Haddii aad leedahay calaamadaha sanka ama indhaha oo keliya waxaad ugu horeyn isku dayi kartaa kuwa sanka lagu buufiyo iyo kuwa indhaha lagu dhibciyo. Saameynta ay daaweynta sanboorka dadku ku leedahay aad ayay u kala duwan yihiin. Waxaa dhici karta in hal kiniini oo ka mid ah kuwa ka hortaga histamine-ka in uu si fiican kuugu shaqeeyo kuwa kalena aysanba wax ku tarin. Sidaas darteed waxaa haboon in aad tijaabisid kaniiniyo kala duwan si aad u ogaatid kan jirkaagu u nugul yahay. Ogow qaarkood waxay keenaan hurdo ama caajis.

Dr AbshirKa hortagga Sanboorka:

Waa adag tahay inaad iska ilaalisid waxaad xasaasi u tahay xitaa haddii aad taqaanid. Haddii aad ubaxa allerjik u tahay taxadarkaaga badi xiliyada geedaha ay ubaxa soo daadinayaan. Dariishadaha iyo albaabaduba hakuu xirnaadeen. Muraayadaha indhaha oo dhan ku wareegsan waxay yareeyaan alerjiyada indhaha. Qubeyso marka aad banaanka ka timaado. Iska ilaali in aad cawska jarto amaba aad u dhowaato waxyaalaha aad xasaasiga u tahay. Si joogta ah guriga isaga nadiifi. Xayawaanka gurya-joogta ah banaanka isaga saar mudada uu sanboorku kugu kacsan yahay.

Kaniiniyada ka hortaga Histamin-ka:  waxaa ka mid ah, Cetirizine, Loratadine iyo Telfast. Waxaana la qaataa hal mar maalintii, waxayna sanboorka ku joojiyaan nus saac gudaheed.

Daawooyinka lagu buufiyo sanka waxay ku haboon yihiin qofkii qaba hindhiso, cabur ama duuf oo aan doonayn inuu qaato kaniiniyo jirkiisa wada gala. Waxaa lala qaadan karaa kaniiniyada iyo kuwa indhaha lagu shubo haddii loo baahdo maadaama ay kala nooc yihiin. Kuwa ugu caansan waxaa ka mid ah Beconase iyo Rhinolast.

Goojada indhaha lagu dhibciyo: waxay ku haboon yihiin qofkii qaba indho cun-cun iyo ilmo. Waxaa lala isticmaali karaa kaniiniga waxayse ku haboon yihiin qofkii aan doonayn inuu qaato kaniiniga. Waxaa ka mid ah Sodium Cromoglycate iyo Optilast. Natiijadu waxay fiican tahay markii la isku daro goojada iyo kaniiniga.

Xigasho: Somdoc

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.