Wasaaradda Gadiidka Iyo Horumarinta Jidadka Oo Cashuur Dhaaf U Samaysay Gaadiidka Gobolka Buuhoodle

Buuhoodle – (warsoor) – Wasaaradda Gaadiidka iyo horumarinta jidadka ayaa cashuur dhaaf u samaysay gaadiidka gobolka Buuhoodle, sida ay shaaciyeen Badhasaabka gobolka Buuhoodle iyo masuuliyiin kale oo maamulka gobolkaas ka tirsani.

Badhasaabka gobolka Buuhoodle Mustafe Cabdi Muuse  iyo Cabdifataax Cabdirisaaq Xaaji Xasan oo isna kamid ah masuuliyiinta wasaaradda Gadiidka iyo horumarinta jidadka ee gobolka Buuhoodle oo shir jaraa’id ku qabtay magaaladda Buuhoodle ee xarunta gobolka Buuhoodle ayaa ka warbixiyey cashuur dhaafka ay wasaaradda Gaadiidka iyo horumarinta Jidadku u samaysay gaadiidka gobolka Buuhoodle, waxaanay tilmaameen in cashuur dhaafkani yahay fursad ay dadka reer Buuhoodle heleen, iyaga oo arrintaas uga mahadceliyey madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland , wasiirka Hawlaha Guud iyo wasiirka wasaaradda Gadiidka iyo Horumarinta Jidadka Somaliland.

Waxa ay sidoo kale masuuliyiintani sheegeen in xafiiska Wasaaradda Gaadiidka iyo Horumarinta Jidadka Somaliland ee gobolka Buuhoodle ay darawalada gaadiidku ka heli doonaan Liisamada wadista gaadiidka , taas oo ay kaga nasan doonaan liisamadii ay masaafada badan u socon jireen helitaankooda.

Dhinaca kalena  waxa ay ugu baaqeen Badhasaabka gobolka Buuhoodle iyo Isu duwaha Wasaaradda Gadiidka iyo Horumarinta Jidadka ee gobolkaasi dadweynaha reer Buuhoodle in ay ka faa’iidaystaan fursada cashuur dhaafka ah ee gaadiidleyda gobolkaas loo sameeyey, iyaga oo tilmaamay in ay fursadan ka faa’iidaysan karaan dadka reer Buuhoodle oo keliyaata.