SIRDOONNADA ITOOBIYA IYO ISRAA’IIL IYO DIYAARADO SHAKI ABUURAY

Itoobiya – (warsoor) – Hay’adaha sirdoonka Israa’iil iyo Itoobiya ayaa kala saxeexday heshiis lagu sheegay la dagaallanka argagaxisada Geeska Afrika, iyo in ay wadajir uga shaqeeyaan aqoon isweydaarsiga iyo tayeynta. Sidaas waxaa lagu sheegay warmurtiyeed ay soo saartay wakaaladda sirdoonka iyo ammaanka qaranka ee Itoobiya oo magaceeda NISS loo soogaabiyo.

‘NISS iyada oo taageero ka dhiganaysa Tiknoolajiyadda iyo tayeynta awoodeed ee ay ka helayso sirdoonka Israa’iil ee MOSSAD, waxa ay ka shaqayn doontaa xaqiijinta nabadgeylada iyo xasiloonida Geeska Afrika, iyo gaar ahaan dalka Itoobiya’ Ayaa uu warmurtiyeedku ku sii daray.

Warmurtiyeedka waxaa lagu sheegay in kulan gaar ah oo ay jimcihii 27-ka Noofambar 2020 magaalada Addis Ababa ku yeesheen agaasimaha NISS Temesgen Tiruneh iyo agaasimaha guud ee MOSSAD Yosef Cohen, in ay ku heshiiyeen xoojinta iskaashigooda iyo sidii Teknoolajiyada iyo tayeynta sirdoonka ay isu dhaafsan lahaayeen.

Dhinaca kalana Layla Cawdah oo talefishakna Faransiiska ee France24 uga soo warrantay magaalada Qudus ayaa sheegtay in goor dambe oo habeennimadii xalay ee sabtida ahayd ay laba diyaaradood oo ka soo duulay Israa’iil ay cabbaar fadhiisteen dalka Jabbuuti, kaddibna u sii duuleen dalka Itoobiya.

Layla Cawdah ayaa barteeda Twiter ka ku qortay in aanay weli caddayn diyaaraddan oo sida muuqata ku socotay Itoobiya sababta ay u sii fadhiisatay Jabbuuti.