Sheekh Axmed Iid oo Madaxweynaha ku Bogaadiyay Fulinta Qisaasta kuwa ka soo Horjeedana Fariin U Diray

Hargeysa (warsoor) Sheekh  Axmed Cabdisalaan (Axmed Iid), oo ka mida culimada magaalada Hargeysa ayaa madaxweynaha Qaranka Somaliland, mudane Muuse Biixi Cabdi, ku boggaadiyay fulinta dilalka qisaasta ah.

Waxaa kale oo uu sheekhu ka hadlay  sida loogu baahan  yahay guud ahaan umadda Islaamka , gaar ahaan mushtamaca reer Somaliland, ku dhaqanka shareecada Islaamka, iyo qaadashada xukunka ALLE, waxaanu soo jeediyay in madaxda lagu taageero go’aanada wanaagsan ee ay qaataan ee Diiniga ah.

Dhanka kale waxaa uu fariin u diray ciddkasta oo ka soo horjeedsata fulinta sharciga ama dhalliisha fulinta dilalka qisaasta ah, waxaanu ugu nasteexeeyay kuwa Islamka ah ee ka soo horjeeda in ay diintooda u soo noqdaan, isaga oo hay’addaha ururada aan dawliga aheyn ee reer galbeedka u sheegay in halka sharcigan la fuliyay ay tahay Somaliland ee aanay dhulalkoodi aheyn, bulshadana waxaa uu kula taliyay qof, qoys iyo qaranba in lagu dhaqmo shareecada ILLAAHEY, taas oo ah badbaadada if iyo aakhiro ee umadda islaamka ah.

Sheekh Axmed Iid oo khudbadii Jimce ee shalay kaga hadlayay qaadashada iyo ku dhaqanka shareecada islaamka waxaa uu yidhi. “Naftii naf goysa in loo gooyo waxaa idiinku jirta nolol, ILLAAHEY waxaa uu xukunka u jideeyay in ILLAAHEY laga baqo, si wixii la idiin faray aad u yeeshaan wixii la idiin diidayna aad uga tagtaan, waxaa ay nololi ugu jirta dadka inteeda kale ayaa ku badbaadaysa, haddii ka wax dilay og yahay in la dilayo isna kumu dhiiradeen kumanu dhaqaaqeen in uu dil geystay, xukunka ILLAAHEY oo la fuliyo waxaa kui badbaadaya bulshada noloshooda adduunyo iyo tooda aakhiroba, waxaana loo baahan yahay madaxda iyo dadkuba in ay ku dhaqmaan shareecada ILLAAHEY”

Sheekha oo ka hadlayay fulinta dilkii qisaasta ahaa waxaa uu yidhi. “Walaalayaal madaxweynaheena sharafta leh  Muuse Biixi Cabdi, waxaan uga  mahad naqaynaa in hadda intii uu xukunka hayay markii labaad uu fuliyay xukunka qisaasta ah, iyo dad wax dilay oo gacan ku dhiiglayaala, sababto ah waa xukun ILLAAHEY oo la fuliyay, islamarkaana uu muddan yahay in looga mahad celiyo laguna dhiirigeliyo.

Sababto ah dhalliishu waa ay innagu badan tahay waxaana iyana muhiima qofku wanaag marku sameeyo ama madax ha noqdo ama mushtamac  ha noqde in lagu dhiirigeliyo,  waxaynu leenahay madaxweyne waad ku mahadsan tahay, abaalmarin wanaagsan ILLAAHEY haka abaalmariyo.

Waxaa kale oo aanu ka codsanaynaa inta kale ee dilka u xidhan ee qisaastu ku waajibtay kuwa halka la mariyay in la mariyo, waxaa kale oo aanu ka codsanaynaa madax meel ka sareysa oo la taabta ma jire, ummadan ayaa madaxeediya maanta, inta aad joogto ILLAAHEY sharcigiisa in aad kor u qaado, tuuga in gacanta la gooyo, oo ka sineysta la karbaasho, oo ka reer soo maray ee sineysta in dhagax lagu dilo”