Kooxda Dawladda Hoose Ee Hargeysa Oo Kaga Adkaatay Ciyaartii Galabta Kooxda Hay’adda Madaaradda Somaliland

HARGEYSA – (WARSOOR) – Kooxaha wasaaraddaha Qorshaynta Qaranka iyo Gadiidka iyo horumarinta Jidadka oo ay galabta ciyaar adagi ku dhex martay garoonka kubada cagta ee Hargeysa Stadium ayaa ku kala baxay bar bar dhac 1 iyo 1 ah.

Labadan kooxood ee wada ciyaaraayey ayay ciyaartoodani ahayd ciyaartii kowaad ee galabta ka dhacda Garoonka Hargeysa Stadium oo uu ka socdo Koobka kooxaha heerka kowaad iyo heerka labaad ee caasimadda Hargeysa, iyada oo ay  labadan kooxood ka wada tirsanaayeen kooxaha Heerka labaad ee caasimadda Hargeysa.

Geesta kale ciyaartii labaad oo dhex martay kooxaha ku ciyaaraayey magacyadda Dawladda Hoose ee Hargeysa iyo Hay’adda Duulimaadyadda Somaliland oo ka wada tirsan kooxaha heerka kowaad ee ka dhisan caasimadda Hargeysa ayaa kusoo dhammaatay  2-1 ay guushu ku raacday kooxda ku ciyaaraysay magaca dawladda Hoose ee magaaladda Hargeysa.

Afartan kooxood ayaa soo bandhigay ciyaaro aad u qurux badan oo xirfadoodu sarayso.