Wasaaradda Arimaha Gudaha oo Heshiiis Dhex Dhigay Laba Beelood oo Shiqaaqo Dhex martay

Hargaysa – (warsoor) –  Wafti  Uu  Hogaaminayo  Wasiiru  Dawlaha  Wasaarada Arrimaha Gudaha  Somaliland  Maxamed Muuse Diiriye   ayaa  ka  qayb  galay  Shir  Tuulada Cabdi Geedi   uga  qabsoomay   beelaha  walaalaha  ah  ee  Ciise Iyo Sacad muuse Galbeed.

Shirkan  ayaa  ujeedadiisu  salka ku haysay   waxyaalo   ay  kala  tabanayeen  labada Beelood  Iyo is  Rasaasayn hore   ugu  dhex  martay  deegaanka  haadeyte  Wakhtigii diiwaan gallinta Codbixiyeyaasha.

Shirkan   oo  duqayd, sulaadiinta, cuqaasha  iyo  waxgaradka  labada reer  ee walaalaha ah  jilbaha isku  dareen   ayaa  ka  qabsoomay   dhir waa weyn oo  kulana  hoostood, Halkaas oo  garnaqsi  dheer kadib  la isku  afgartay.

Kadib  markii  shirku  soo  gaba  gaboobay waxaa  waarfidiyeenada la hadlay   xubno kamid  odayaasha  labada dhinac  kuwaasi  oo kala  ah Oday  Xasan Caydiid, Cali  gabax, iyo Jiif caaqil caydiid Waxaana dhamaantoodba iska  dabo mareen  wanaaga  nabadu ay  leedaya   iyo  sida  gacaltooyada,  jaarnimada  iyo  walaaltinimada leh   ee loo garnaqsaday nabada  la  xidhayna ay  tahay  in lasii adkeeyo

Xildhibaan Maxamed Cabdiraxmaan  oo ka socday  dhinaca  xukuumada   ayaa isaguna  goobtaasi   ka   akhriyey  qodobada kasoo  baxay   shirka  ee la  isla qaatay  kuwaasi oo kala  ah.

1-     In wixii   hadayta ka  dhacay  laysla qaato  wixii  khasaare  nafeed iyo mid hanteedba ah

2-     in  wixii  dhaawac  kasoo  gaadhay  ciise   ama  mabaasan  la keeno lana  xaqo

3-     In  khasaarihii gaadiidka  oo  laba gaadhi  oo mabaasan lahaydna  la bixiyo

4-     In  wixii qoomo  ku kala maqnaa  mabaasan iyo sacad muusana   ay  dhamaystaan  gudahooda

5-     In la bixiyo  lacag  dhan $6000 ( lix  kun oo  dollar)  oo  xaal mar  ah lana  siiyo  mabaasan

6-     In la  sameeyo  guddi labada  dhinaca  oo  ka  shaqaysa  nabadgalyada iskaashida  iyo isku soo  dhaweynta beelaha kana  kooban  16  xubnood

7-     In  wixii  magdhaw  iyo  xoolo  ah ee la xaqay la isku  siiyo  mudo   dhan 15 cisho guhood  oo ka  bilaabantan  08/3/2017 ilaa 23/03/2017

Ugu danbayntii waxaa   shirkaasi  soo   xidhay  wasiiru  dawlaha wasaarada Arrimaha gudaha   isaga  oo sheegay  in  xukuumad  ahaan  wixii  tabasho  ahaa   ee xukuumada isla  qaateen  inay   dhamaystiri  doonaan kana  shaqayn doonaan.

Halkan ka daawo warkan:

Jamal Abdi Muhomed

Spokesman  Somaliland  Ministry Of Interior

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.