Murrashaxa Madaxweynaha Xisbiga KULMIYE oo Soo Dhaweyey Taageerayaal Ka Tirsan Daladaha Ka Jira Degmadda Axmed-dhagax ee Magaaladda Hargeysa

Hargeysa – (warsoor)- Xisbul-xaakimka haya talada Jamhuuriyadda Somaliland ee KULMIYE, ayaa soo dhaweeyey Dalladaha SEMPO, HAYPO, TALO-WANAAG iyo kooxda kubada Cagta ee SENEGAL oo ka dhisan degmada Axmed Dhagax ee caasimadda Hargeysa, kuwaas oo si rasmi ah xisbiga ula midoobay maanta.

Xafladda soo dhaweynta dalladahan iyo weliba kooxdan kubadda Cagta ah oo lagu qabtay hoolka Green Plaza ee magaalada Hargeysa, waxa ka qaybgalay hoggaanka sare ee xisbiga oo uu hormood u ahaa Guddoomiyaha KULMIYE, ahna murrashaxa Madaxweynaha xisbiga Md. Muuse Biixi Cabdi, madaxda sarsare ee xisbiga, masuuliyiinta garabyada haweenka, dhallinyarada heer qaran iyo Gobolka Maroodi-jeex, wasiirro, Badhasaabka Gobolka Maroodi-jeex, wasiir-ku-xigeenno, siyaasiyiin waawayn oo ku jira xisbiga, hoggaanka dalladaha xisbiga ku soo biiray iyo weliba kooxda kubadda cagta ee wehelinaysay iyo mari-sharaf kale oo tiro badan, waxaanay halkaas laga jeediyey hadallo soo dhaweyn iyo bogaadin u badan.

Dalladaha kusoo biiray xisbiga oo ay ku midoobeen haween iyo wiilal da’yar oo ka shaqeeya arrimaha bulshada iyo wacyigelinta, ayaa madasha ka sheegay inay ku qanceen siyaasadda xisbiga iyo waxqabadka dhanka horumarka ah ee KULMIYE ka hirgeliyey dalka intii uu xukunka hayey, iyaga oo caddeeyey inay taageero hiil iyo hooba leh la garab geli doonaan.

Guddoomiyaha Dalladda SEMDO Marwo Nimco Cawil Cabdi, ayaa sharraxday asbaabaha ku kallifay dalladooda inay ku biiraan xisbiga KULMIYE, waxaanay tidhi, “Haddii aannu nahay xaafadda Axmed-dhagax xisbiga KULMIYE oo aanu hore u taageersanayn ayaanu iminkana taageeraynaa, waxqabadkiisana waanu aragnaa oo waanu garab-istaagaynaa, xooggayaga iyo awooddayadana waanu isugu geynaynaa.”

Ilyaas  Ciise Xuseen, Cabdifataax Cabdiraxmaan, Suldaan Mustafe Maxamed iyo Xamse Yuusuf Cabdilaahi oo ku hadlayey magacyada dalladaha HAYPO, TALO-WANAAG iyo Kooxda kubadda cagta ee SENEGAL oo iyaguna madasha hadallo ka jeediyey, ayaa isku raacay inay taageero buuxda la garab taagan yihiin xisbiga KULMIYE, isla markaana ay hiil muuqda u hibayn doonaan xisbiga.

Wasiirka Dhaqanka iyo Dalxiiska Somaliland Md. Khadar Xaaji Yuusuf, aqoon yahan Maxamed Cali Bile iyo Guddoomiyaha Garabka Dhallinyarada heer qaran ee xisbiga KULMIYE Md. Cabdi-najax Siyaad Aw Cabdi, ayaa carrabka ku ballaadhiyey sida uu xisbigu muhiimadda u siinayo dhallinyarada da’yarta ah, waxaanay tilmaameen inuu xisbigu u heellan yahay afkaarta aqoonta ku dhisan ee maanka da’yarta ka hibatiqaysa.

Guddoomiyaha Garabka Haweenka heer qaran ee KULMIYE Marwo Canab Cumar Ileeye iyo Guddoomiye-ku-xigeenka Gobolka Maroodi-jeex ee xisbiga Md. Cabdiraxmaan Maxamed Jaamac (Hadhiye), ayaa u mahadceliyey dalladaha cusub ee ku soo biiray xisbiga, iyagoo ugu bushaareeyey inay si rasmi ah uga mid yihiin xisbiga oo aan laga lahayn, si madaxbannaana uga dhiibanayaan doodahooda iyo afkaartoodaba.

Axmed Muumin Seed oo kamid ah saraakiisha sarsare ee xisbiga KULMIYE, ayaa isaguna dhinaciisa soo dhaweeyey dalladaha dhallinyarada ragga iyo haweenka isugu jira ee xisbiga la midoobay, waxaannu shaaciyey inay yimaadeen madal loo soo kala horreeyey, balse aan cidina kala sheeganin, isaga oo sheegay inuu arrimaha xisbiga door laxaad leh ku yeeshay, inkasta oo uu dhawaan uun kusoo biiray, taasina ay marag u tahay in xisbigu yahay mid la wada leeyahay.

Xoghayaha Guud ee xisbiga KULMIYE Md. Xasan Siciid Yuusuf oo khudbad dhinacyo badan taabanaysa ka jeediyey madasha, ayaa si gaar ah hadalkiisa diirrada ugu saaray xidhiidhka heerka sare leh iyo taariikhda ma guuraanka ah ee ka dhexeeya xisbiga KULMIYE iyo dadweynaha reer Axmed-dhagax, waxaannu tilmaamay in guulihii uu xisbigu hore u gaadhay ay meel muhiim ah kaga qoran yihiin reer Axmed-dhagax, isla markaana uu xisbigu si gaar ah maanka ugu hayo.

“Jacalylka uu xisbiga KULMIYE u qabo bulshada reer Axmed-dhagax waxa marag ka ah heshiisyadii urrarada dhacay lala galay mudnaanta koowaad waxa la siiyey XAQSOOR, Guddoomiye Muuse Biixi-na guddi buu u saaray wuxuu doonayey in bulshadaas la siiyo wax allah iyo wixii ay doonaan, taasina in la jeclaa bay ii sheegaysaa,” ayuu yidhi xoghaye Xasan Siciid Yuusuf.

Guddoomiyaha KULMIYE, ahna murrashaxa Madaxweynaha xisbiga Md. Muuse Biixi Cabdi, ayaa hoosta ka xarriiqay in halbeegyada aragtiyaha ku dhisan horumarka ee uu xisbigu ka duulaa yihiin sidii shacabka loogu hillaadin lahaa nolol ka qiimo badan midda ay haatan ku jiraan, isla markaana bulshadu ka xorowdo kala qobobnaanta, waxaannu yidhi, “KULMIYE dad kala duwan baa isugu yimi, waxaanay dadkaasi ku midoobeen aragti ah in innaga oo is aaminsan oo is kaashanaya aynu u hawlgalno inaynu dalkeena u samayno nolol ka wacan ta uu maanta joogo, waxaana aynu ku heshiis nahay inaynu kor-u-qaadno dhaqaalaha maanta soo gala qofka reer Somaliland oo aynu caafimaadkiisa kor-u-qaadno oo tabaalooyinka badan ee dalka ka jira aynu meesha ka saarno, taasna waxa samayn kara dad ka xoroobay dhawr qodob oo ah inay iyagu kala shakiyaan oo kala qoqobnaadaan, haddii aynu KULMIYE nahayna waa inaynu qoqobkaas ka xorownaa oo qofku ku dhaataa KULMIYE min Lowya-caddo ilaa iyo Qow ah.”

Guddoomiyuhu waxa uu sheegay inay tacliintu tahay biriishka kaliya ee lagu gaadhi karo himilooyinka kala duwan ee uu xisbigu leeyahay, isaga oo farta ku fiiqay inay u midowga danta guud tahay waxa kali ah ee guusha horseedi kara, “Qofka KULMIYE ah ee doonaya inuu dalkiisa wax u qabtaa waa inuu marka hore is-weydiiyaa dalkaaga maxaad u qaban kartaa ee aanay soo kormarin anigu maxaan dheefayaa, adduunyadana hore looguma maro haddii uu qofku tallaabada uu qaadoba doonayo inuu isagu marka hore dheefo, KULMIYE-na himilada ah inuu dalka caafimaadkiisa, dhaqaalihiisa iyo aqoontiisa kor u qaado waxa uu ku gaadhayaa marka uu adeegsado tacliinta ee uu aqoonta tixgeliyo ee uu ka guuro qabiilka, garabsiga iyo is-kaashiga kooban,” ayuu yidhi guddoomiye Muuse Biixi Cabdi.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.