Wasaaradda Arimaha Dibadda Somaliland oo Ka Jawaabay Warar Kutiri-kuteena Ku Saabsanaa Wadda-hadaladda Somaliland iyo Soomaaliya

Hargeysa – (warsoor) – War-saxaafadeed ka soo baxay Wasaaradda Arimaha Dibadda Somaliland ayaa lagaga hadlay laba wefti oo kala duwan kuwaasi oo matalaayey xukuumadda Somaliland oo booqasho ku tagay dalka Itoobiya.

Weftiga ayaa warbaahinta qaarkood sheegay in ujeedda ay u tageen dalka Turkigu ay ahayd shirkii wadda-hadaladda Somaliland iyo Soomaaliya oo ay warbaahinta qaarkeed sheegeen in si qarsoodi ah ay uga bilaabmeen dalka Turkiga.

Wasaaradda Arimaha Dibadda Somaliland oo arimahaasi ka jawaabaysa ayaa soo saartay war-saxaafadeedkan oo u dhignaa sidan:

“Wasaaradda Arrimaha Dibedda iyo Iskaashiga Caalamiga ah (WADIC) waxa ay maanta oo Khamiis ah taariikhduna tahay 21 April 2016 ay u soo saartay War-saxaafadeedkan (Press Release) si ay uga jawaabto war lagu baahiyay saxaafada maxaliga ah (Local Media) qarkood.

Wasiir_ku_xigeenka_JSL

Warkaasi oo lagu sheegay in Wadahadaladii (Dialogue) u dhexeeyay Somaliland iyo Somaliya ay ka bilaabmeen magaalada Ankara ee dalka Turkey-ga si qarsoodi ah, isla markaasna ugu soo dhamaadeen si qarsoodi ah.

Hadaba, waxa aanu shacabka iyo ummadda Somaliland u sheegeynaa in aan warkaasi waxba ka jirin. Sanadkii 2012 Golaha Sharci Dejinta Somaliland (Wakiilada iyo Guurtida) wax ay awooda u siiyeen una fasaxeen Xukuumada

Somaliland in ay wada hadal la furi karto dalka Soomaaliya, isla markaasna waxa arrintaasi taageeray labadii xisbi mucaarid ee waqtigaasi (Udub iyo Ucid).   Ma jiraan wax markaasi xukuumada ku kelifaaya in ay wada hadaladii Somaliland iyo Soomaaliya ee loo ogolaaday ay ka dhigto wax qarsoodi ah.  Laga soo bilaabo 2012 ilaa 2015 waxa la yeeshay toddoba kulan oo cid waliba ogeyd.  Haddii, sida lagu wada wada hadaladii dub u furmaana waxa ay noqon doontaa wax la shaaciyo oo cid weliba ogaato, inshallah.

Waxa kale WADIC ay war-saxaafadeedkan ku faah-faahineysaa ujeedada safar shaqo oo laba wefti oo Somaliland ku tageen dalka Turkey-ga bisha 17/04/2016.  Weftiga hore waxa hogaaminaayay Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibedda Iyo Iskaashiga Caalamiga Dr Sacad Xaaji Cali Shire.

Waxa kale oo weftiga ka mid ahaa Wasiirka Madaxtooyada JSL Maxamuud Xaashi Cabdi. Weftigani oo   martiqaad rasmi ah ka helay dowlada Turkey-ga waxa ay la kulmeen intii ay joogeen Ankara Ku-xigeenka Xoghaye Hoosaadka Wasaaradda Arrimaha Dibedda (Deputy Undersecretary of Ministry of Foreign Affairs), madaxweynaha Bisha Cas (President of Red Crescent), iyo Madaxweyne Ku-xigeenka Hey’ada dalka Turkiga u qaabilsan kaalmooyinka ama mucaawimada ee la yidhaahdo TIKA ( Vice president of TIKA).  Weftigu waxa ay kale hadleen mas’uuliyiintii ay la kulmeen  arrimo ay ka mid ahaayeen kaalmooyinka bini-aadanimo, sidii ay gurmad deg-deg aha uga geysan lahayd dowladda Turkey xaalada abaareed ee ka jirta gobolada dalka Jamhuuriyada Somaliland qaarkood.

Waxa kale oo dowlada Turkey kala tashatay weftiga Somaliland iyo Wefti kale oo ka socday Soomaaliya oo u hogaaminaayey Wasiirka Arrimaha Gudahu Mudane Cabdiraxmaan Maxamed sida ugu haboon ee dub loogu bilaabi lahaa wada hadaladii Somaliland iyo Somaaliya, goorta ugu horeysa ee ay suurtogal noqon karto in la bilaabo, iyo qodobada uu ka koobnaan karo  Ajandaha (Agenda) Shirka soo socda.

Weftiga kale ee tagay dalka Turkey 17/04/2016 waxa uu ahaa wefti ka kooban lix aqoon yahan (Academicians).  Seddex ka socday Somaliland, iyo seddex kale oo ka socday dhinaca Soomaaliya.  Aqoonyahanada waxa loo qabtay Dood (Round-table discussion) ay martigelisay Xarunta Daraasaadka Siyaadaha Dibadda iyo Cilmi-baarista ee Mu’asasada Nabadda (The Center for Foreign Policy and Peace Research of Ihsan Democracy Peace Foundation). Doodan waxa ujeedadeeda ugu weyn ee laga lahaa ahayd in dowlada Turkey si fiican loo fahamsiiyo Taariikhda Somaliland iyo Soomaaliya isla markaasna lagu sameeyo qiimeyn taariikheed (Historical Assessment).

Ka Qeyb galayaasha Somaliland oo ay soo xushay WADIC:

  1. Dr. Hussein Abdilahi Bulhan
  2. Mr.Mohamoud Abdi Hamud (Nine)
  3. Mr Hassan Musa Khalief (from UK)

Dhinaca Somalia:

  1. Dr. Mohamed Ahmed Sheikh Ali
  2. Dr. Hussein Ahmed Warsame (from Canada)
  3. Yusuf Garaad Omar (from UK)

ALLAA MAHAD LEH

Director of Communications

Saleebaan Mahamuud Daahir ___ Salebaancm@slforeign.com

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.