London – (warsoor) – Gudoomiyaha Xisbiga UCID Ahna Musharaxa Madaxwayne Eng Faysal Cali Waraabe oo Waraysi uu la yeeshay Telafishanka Somalicable isagoo ku sugan magaaladda London ee Boqortooyadda Ingiriiska ayaa ka hadlay shir caalami oo uu kaga qayb-galay dalka Colombia.
Eng. Faysal Cali waraabe ayaa ka hadlay Ictiraafka Somaliland, waxaanu sheegay in xukuumadda Somaliland aanay sidii la rabay ugu hagar-bixin ictiraaf raadinta Somaliland.
Eng. Faysal Cali Waraabe ayaa ka hadlay arimo badan oo la xidhiidha xaaladda Somaliland iyo doorashooyinkii ka dhacay Soomaaliya. Waxaanu si xeel-dheer uga hadlay khaladaadkii ka dhacay isku darkii Soomaaliya iyo Somaliland.
Halkan ka daawo waraysiga Eng. Faysal Cali Waraabe:
This post is also available in:
Somali