Murashaxa Madaxweynaha WADDANI oo Shalay Tartan Ciyaareed u Furay Kooxaha Heerka Labaad ee Kubadda Cagta Boorama

Boorama – (warsoor) – Murashaxa Madaxweynaha Xisbiga WADDANI Dr.Cabdiraxmaan M.Cabdillaahi (Cirro), ayaa shalay galabnimadii tartan ciyaareed u furay kooxaha heerka labaad ee kubadda cagta magaalada Boorama.

Tartan ciyaareedkan oo ka dhacaayey garoonka Muumin Doolaal oo ay ku dheelayaan 10kooxood oo ka mid ah kooxaha heerka labaad ee magaalada Boorama, ayaa waxa guddoomiye Cirro ku wehelinaayey Murashaxa Madaxweyne ku xigeenka Xisbigaasi Ambassador Maxamed Xaaji Cali Cabdi, xoghayaha ciyaaraha xisbigaasi Yoonis Axmed Yoonis, guddoomiyaha garabka dhallinyarada Md.Maxamed Siddiiq Dhamme, xubno ka mid ah hoggaanada, guddiyada fulinta, garabbada haweenka iyo dhallinyarta iyo weli ba mas’uuliyiin kale oo aad u tira badan ku waasi oo karoonkaasi u yimi ka qeyb-galka iyo weli ba sida oo kale dhiiri-gelinta da’yarta ku dheelaysa garoonkaasi.

Xoghayaha ciyaaraha Xisbiga WADDANI oo ugu horreyn halkaas ka hadlay, ayaa sheegay in ay ka xisbi ahaan ay aad ugu faraxsan yihiin dhiiri-gelinta da’yarta iyo la qeybsashada dareenkooda, waxaana uu tilmaamay in Xisbiga WADDANI uu yahay xisbigii dhallinyarada iyo cadaalada isla mar ahaantaana uu muhiimadda saaraayo siddii loo dhiiri-gelin lahaa misna loo horumarin xirfad kasta oo ay da’yartu lee dahay, isaga oo sida oo kale na xusay in ay garab iyo gaashaan ba u yihiin da’yarta Somaliland.

Guddoomiyaha garabka dhallinyarada iyo weli ba sida oo kale guddoomiyaha gobalka Awdal ee Xisbiga WADDANI oo iyagu na halkaas ka hadlay, ayaa sheegay in ay aad ugu faraxsan yihiin in ay koobkan ciyaareed u furan dhallinyarta kubadda cagta ee kooxaha heerka labaad.

Murashaxa Madaxweyne ku xigeenka WADDANI Ambassador Maxamed Xaaji Cali Cabdi oo isna dhankiisa halkaas ka hadlay, ayaa sheegay in dhallinyarta ciyaaraha ee Somaliland aanay haysanin dhiiri-gelin balse Xisbiga WADDANI iskugu daraayo dhiiri-gelin iyo weli ba sida oo kale in uu la qeybsado dareenkooda misna uu diyaar u yahay wax ka qabashada baahiyahooda.

Murashaxa Madaxweynaha xisbiga mucaaradka ah ee WADDANI Dr.Cabdiraxmaan M.Cabdillaahi (Cirro) oo isna ugu dambeyn halkaas ka hadlay, ayaa sheegay in ay farxad weyn u tahay in tartan ciyaareed ay u furaan dhallinyarta kooxaha kubadda cagta ee heerka labaad ee magaalada Boorama, isaga oo tilmaamay in dhallinyarta ciyaarahu ay la nool yihiin duruufo badan oo ciyaareed balse ay ka xisbi ahaan diyaar u yihiin siddii loo nooleyn lahaa guud ahaan ciyaaraha dalka iyo weli ba sida oo kale abuuridda iyo dhiiri-gelinta xirfadaha iyo hibooyinka ay gaarka u lee yihiin dhallinyarada Somaliland.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.