War Saxaafadeed ay soo saareen Guddiyada Hanaanka Doorashooyinka dadban ee Afar Maamul-goboleed

Muqdisho – (warsoor) – War Saxaafadeed Wadajir ah ayay Maanta soo saareen Guddiyada Hirgelinta Doorashada ee Heer Dowlad-Goboleed oo kala ah Puntland, Galmudug, Koofur-Galbeed iyo Jubbaland, kaasi oo uu ku saabsan yahay go’aanka GXKHD 14/12/2016-ka ee la doonayo in lagu hor-istaago kuraas loogu doortay deegaan doorashooyinka dalka si sharci ah.

Ugu horreyn waxaan madaxda MHQ, Shacabka Soomaaliyeed iyo Beesha Caalamkaba la wadaageynaa qodobbadan hoose: GXKHD go’aankooda iyo habka dacwo qaadistuba ma waafaqsana Qodobka 14aad ee xilka iyo waajibaadka GXKHD oo dhigaya kulamada guddiga oo lagu dhageeysanayo dacwadaha waa inuu ahaado mid u furan dhinacyada ay khuseeyso, Goob-joogayasha caalamiga ah iyo kuwa gudaha. Haddabba maaddaama kulankii ay yeesheen GXKHD 14/12/2016 aan loo marin habraaca ku xusan qodobka 14aad ee xilka iyo waajibaadka GXKHD , taas waxay caddeyneysaa in ay gaareen go’aamo suuq madoow ah.

Guddiyadu waxaa kaloo ay Warkooda ku xuseen in GXKHD iyo wakiilladoodu xiriir fiican lama laheyn Deegaan Doorashooyinka iyo Guddiyada Doorashada, waxayna caqabad ku noqdeen howlihii doorashada illaa ay meelaha qaar iskood uga baxeen.

doorashada-696x392

“GXKHD marka ay leeyihiin waxaan baarnay kuraas khilaaf ka jiro lama aysan xiriirin Guddiyada shaqada doorashada qabtay, mana aysan baarin dukumentiyada iyo hannaanka ay soo martay doorashadu,
wakiillo uma joogin goobta shaqada qaarkood, mana aysan dhegeysan dhinacyada arrimahani quseeyaan oo dhan, IWM”, ayaa lagu yiri War saxaafadeedka.

War-saxaafgadeedka waxaa kaloo lagu yiri “GXKHD waxaan ku wargelinay inaysan ku degdegin go’aannadaan oo burburin kara hannaanka doorashada, waxaana kula talinay in la sameeyo baaris dhab ah oo xaqiiq ku dhisan.GXKHD Goaanka ay gaareen waxaan u arkeynaa inuu yahay mid lagu hor istaagayo xildhibaannada sida sharciga ah loo doortay si loogu cadaadiyo inay u hoggaansamaan fulinta ujeeddooyin siyaasadeed”.

War-saxaafadeedka waxaa kaloo lagu xusay in sababahaan kor ku xusan awgood go’aanka GXKHD ahaa mid lagu degdegay oo xambaarsan ujeeddooyin siyaasadeed oo ay abaabulayaan musharraxiin
awood dowladnimo haysta, iyadoo lagu caddeyneynaa in go’aanka ay soo saareen Guddiga XKHD oo lagu burinayo doorashada ka dhacday Deegaan Doorashooyinka Soomaaliya uu yahay mid sharcidarro ah oo aan lagu dhaqmi doonin.

War-saxaafadeedka waxaa lagu yiri “MHQ, Shacabka Soomaaliyeed iyo Beesha Caalamkaba waxaan ku wargelineynaa in doorashooyinka ka dhacay dalka 48 sanno kadib inay u dhaceen si dimoqraadi ah,xor ah oo xalaal ah. Natiijooyinka ka soo baxay doorashooyinkaasna in loo baabi’iyo si aan sharci loo marin waxay burburineysaa doorashada dadban ee 2016 taasoo dhammaanteed aheyd rajada kaliya ee Soomaaliya maanta sugeysay. Waxaana qaadi doona mas’uuliyadda cawaaqibka ka yimaada go’aankaan ciddii isku dayda inay hirgeliso wax aan sharci aheyn”.

Waxaa ku saxiixan War saxaafadeedkaasi:-

Guddoomiyayaasha Guddiyada GDGDD
1. Md Khaliif Awcali GDGHDD Dowlad-Goboleedka Puntland
2. Md Cabdi Cali Raage GDGHDD Dowlad-Goboleedka Jubbaland
3. Md Maxamed Cabdullahi Mursal GDGHDD Dowlad-Goboleedka Koofur
Galbeed
4. Md Xuseen Sheikh Maxamed GDGHDD Dowlad-Goboleedka Galmudug

Xigasho: SONNA

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.