Shirkadda Telesom oo Markii Labaad Bixisay Abaal-marinta Hano Hadyaddaada iyo Hal Askari oo ku Guulaystay Abaal-marinta weyn ee Cimradda

Hargeysa – (warsoor) – Shirkadda Isgaadhsiinta casriga ah ee Telesom ayaa maanta oo khamiis ah abaal-marisay in ka badan afartan smacmiil ah oo uu ku jiro halk askari oo ku guulaystay abaal-marinta weyn ee cimradda oo ay shirkaddu ugu talo-gashay in sanadkan 2017 ay cimro kaga bixiso 5 ka mid ah macmiisheeda dibadda la hadasha.

Munaasibadda Abaal-marinta HANO HADYADDAA iyo Abaal-marinta JIDKA MAKKA ayaa ka dhacday xarunta guud ee shirkadda Telesom halkaasi oo ay ka soo qayb-galeen qaar ka mid ah macmiishii ku guulaysatay abaal-marinadda iyo maamulka shirkadda Telesom.

Ugu horayn waxaa munaasibadan ka hadlay maamulaha Suuq-gaynta ee shirkadda Telesom Md. Cabdiraxmaan Ismaaciil Aadan waxaanu sharaxaad ka bixiyey noocyadda abaal-marinta ee ay shirkadda Telesom ugu talo-gashay bishan labaad ee barnaamijka HANO HADYADDAADA.

“Barnaamijka Hano hadyadaada waa barnaamij aanu ugu talo-galnay macmiisha internet-ka isticmaasha ee ka isticmaasha moobayladooda inay shirkaddu ku abaal-mariso 42 macmiil bil walba hadyaddo kala duwan. Hadyadaha lagu helaayo waxaa ka mida: qasaalado, talaagado, qalinka quraanka akhriya, somgasta raashinka lagu karsado, shandaha lagu qaato koombuyuutaradda, taabladyadda wax lagu akhristo ee internet-ka lagu isticmaalo, waxyaalahaasi oo dhan ayaa ka mid ah.  ,” Sidaasi waxaa yidhi maamulaha Suuq-gaynta ee shirkadda Telesom Cabdiraxmaan Aar.

img_9096

Cabdiraxmaan Aar ayaa sidoo kale sheegay in aanay abaal-marintani ku koobnayn oo kaliya macmiisha shirkadda Telesom ee ku sugan gobolka maroodi-jeex ee caasimadda dalku ka tirsan tahay balse ay abaal-marintan ka wadda qayb-galeen dhamaan macmiisha kala duwan ee shirkadda ee ku kala nool goboladda dalka oo dhan.

Maamulaha Waaxda Xidhiidhka Dadweynaha ee Shirkadda Telesom, Maxamed Cabdi Darbo ayaa isna ka hadlay kaalinta ay shirkadda Telesom kaga jirto arimaha horumarinta bulshadda, waxaanu sheegay in shirkadda Telesom ay markastaba macmiisheeda ku celiso wax ka mid ah faa’iidadii ay ka heshay iyadoo kaga qayb-qaadana qaybaha horumarinta danta guud iyo taakulaynta abaaraha ee dalka ka jira.

img_9115

“Shirkaddani waa shirkadda shaqo-abuurka ugu badan dalka bixisa ee shaqaalaysa shaqaalaha ugu faraha badan ee waliba ah dad aqoon leh. Waa shirkadda nolosha qaybaheeda kala duwan ka kaabta ummadda, waana shirkadda had iyo jeer u damqata u adeegidda bulshadeeda qaybaheeda kala duwan. Waxay bixisaa waxyaabo aad u badan oo ay ka mid tahay waxbarashadda, waxay kalooy bixisaa kaalmooyinka gaarka ah. Waana shirkadda ugu cashuur bixinta balaadhan dalka ”, sidaasi waxaa yidhi Maxamed Cabdi Darbo maamulaha Waaxda Xidhiidhka Dadweynaha ee shirkadda Telesom.

Cabdiraxmaan Cabdilaahi Yuusuf (Shaqale) maamulaha Waaxda Iibka ee shirkadda Telesom ayaa mahadnaq balaadhan u jeediyey dhamaan macmiisha shirkadda Telesom oo uu tilmaamay kaalinta ay ku leeyihiin horumarinka shirkadda, waxaanu sheegay in Saamilayda, maamulka iyo Shaqaalaha shirkadda ay ka go’an tahay raali-galinta macmiisha.

img_9147

“Waxaan aad iyo aad idiinku mahadnaqayaa inaad isticmaashaan adeegyadda shirkadda. Intiinan iyo inta kale ee badan, adeega aad isticmaashaan oo ah adeeg aanu markasta korino oo iska daba yimaada oo waxyaalaha casriga ee caalamka ku soo kordha ee tiknoolajiga aanu ku darno ” Sidaasi waxaa yidhi Cabdiraxmaan Cabdilaahi Yuusuf (Shaqale) maamulaha Waaxda Iibka ee shirkadda Telesom.

“Shirkaddu waxay dadaal ugu jirtaa inay adeegyadda dadka gaadhsiiso oo walibana ay caalamka la tartanto oo ay heer wanaagsan iska taagto adeegga isgaadhsiinta ee aanu hayno. Adeegaa aad isticmaalkiisa isticmaalaysaan anagu waxaanu keenaa, qalab baanu soo galinaa, lacag badan baa la soo galiyaa idinkaana isticmaala, isticmaalkaa aad isticmaashaan mahadnaq balaadhan ayaanu idiinka soo jeedinaynaa”, sidaasi waxaa yidhi Shaqale.

Munaasibadan waxaa ka hadlay askari ka tirsan ciidamada Booliska Somaliland oo ku guulaystay abaal-marinta weyn ee cimradda sanadka 2017, askarigan oo lagu magacaabo Ayuub Cabdilaahi Jaamac Xirsi ayaa shirkadda Telesom uga mahadnaq abaal-marintan ay shirkaddu gudoonsiisay, waxaanu yidhi, “Abaal-marintii runtii aadka u qaaliga ahayd ee aan ku guulaystay ee shirkadda Telesom igu abaal-marisay jidkii Makka. Markaa aad iyo aad baan u salaamayaa masuuliyiintii iyo madaxda Telesom ee sida cadaaliga ah u dhacday”.

img_9249

Waxaa iyaguna ka hadlay munaasibadan qaar ka mid ah macmiisha shirkadda Telesom ee ka mid noqday guulaystayaasha bishii Novemebr ee barnaamijka HANO HADYADDAADA, waxaanay shirkadda Telesom ku amaaneen adeegyadda tayadda leh ee hufan ee bulshadeeda ay siiso,  waxay sidoo kale shirkadda Telesom uga mahadnaqeen abaal-marinta ay shirkaddu gudoonsiisay. Dhamaan macmiishii ka hadlay madasha ayaa si gaar ah u hambalyeeyey askarigii ku guulaystay abaal-marinta kowaad ee cimradda.

Shirkadda Telesom ayaa bilkasta ugu talo-gashay macmiil ka badan 50 macmiil inay gudoonsiiso abaal-marino kala duwan oo lagu guulaysanaayo Cumro iyo qalab qaali ah. Barnaanijyadan lagu bixinaayo abaalinrta ayaa kala ah: Aqoonmaal, barnaamijka Jidka Makka iyo barnaamijka Hano hadyaddaada. Barnaamijka Jidka Makka waxaa ka qayb-qaadan kara qofkasta oo la xidhiidha asxaabtiisa iyo eheladiisa dibadda ku nool waxaanu fariin gaaban oo CIMRO u dirayaa lambarka 111, barnaamijka Hano hadyaddaada waxaa sidoo kale loogu talo-galay macmiisha internet-ka ka isticmaasha mobayladooda, tablets-yadooda ama Mifi-yadooda, waxaanu fariin Abaal-marin ah u dirayaan lambarka 111. Hadda macmiil tijaabi nasiibkaaga oo ka qayb qaado barnaamijyaddan. Gabi ahaan fariinta lagu diraayo lambarka abaal-marintu waa bilaash.

img_9218 img_9223 img_9224 img_9234 img_9211 img_9181 img_9184 img_9189 img_9196 img_9207 img_9174 img_9171 img_9168 img_9160 img_9152 img_9138 img_9257 img_9254 img_9253 img_9249 img_9244 img_9137 img_9136

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

Shirkadda Telesom oo Markii Labaad Bixisay Abaal-marinta Hano Hadyaddaada iyo Hal Askari oo ku Guulaystay Abaal-marinta weyn ee Cimradda

Hargeysa – (warsoor) – Shirkadda Isgaadhsiinta casriga ah ee Telesom ayaa maanta oo khamiis ah abaal-marisay in ka badan afartan macmiil ah oo uu ku jiro halk askari oo ku guulaystay abaal-marinta weyn ee cimradda oo ay shirkaddu ugu talo-gashay in sanadkan 2017 ay cimro kaga bixiso 5 ka mid ah macmiisheeda dibadda la hadasha.