Waa maxay Sanboorku?Rhinitis?

Sanboorku waa xanuun ka mid ah xanuunada xajiinta ama allerjiga, wuxuu ku dhici karaa da’ kasta.Waxyaabaha kiciya sanboorka waxaa ka mid ah:

  • boodhka,
  • qiiqa,
  • daawooyinka iyo
  • cunnooyinka qaar.

Maxaa lagu gartaa?

Waxaa lagu gartaa calaamadahaan hoos ku xusan:

  • Hindhiso.
    Cuncun sanka ama indhaha
  • Cabudhsanaan
  • Duuf
  • Sanboorka waxuu la socon karaa
  • Xanuunada allerjiyada kale sida allerjiga indhaha, allerjiga maqaarka iyo allerjiga hawo-mareenka (Neefta/Xiiqa).

SIDEE AYUU KU YIMAADAA SANBOORKU?

Sanka waxa soo galaya ilmo aragtay sida bakteriya ama fayras kadib waxa uu u kala baaha unugyada mast cell , kadib waxa ay soo daayaan maadooyin dareere ah oo loo yaqaan histamine.

Histamine waxa ay qayb katahay habka difaaca jidhkeena waxa lasoo daayaa marka jidhka uu soo galo ilmo aragtay xanuun sababe ah.

Qofka isku og sanboorka waa inuu iska ilaaliyaa waxyaabaha kiciya sida boodhka , qiiqa, walxaha uduga ah iyo waxyaabaha kiimikada ah.

Maxaa keena Sanboorka?

Waxaa kaloo kiciya hargabka, cimillada qabow, cunnooyinka kulul ama dhanaanka ah, cabitaanka acida leh, daawooyinka sida “Asprin, Ibuprofen, daawooyinka dhiig karka iyo xittaa daawooyinka sanka lagu buufiyo oo loo isticmaalo sanboorka laftirkiisa way keeni karaan, hadduu qofku la qabsado.

Waxaa kaloo kicin kara isbadalka hormoonada jirka ku dhaca sida xilliga uurka, caadada iyo qaadashada daawooyinka ka hortagga uurka iyo welwelka / diiqada.

Ma Jiraan Xanuuno Kale oo La Xidhiidha Sanboorka?

  • Cadka sanka kasoo baxa.
  • Caabuqa dhegta.
  • Xiiqda.

Sidee Loo Daaweyn Karaa?

Daaweynta sanboorka waxa go,aan ka qaadan kara dhakhtarkaaga.

Ku daawee Sanboorka Saliid Xabad Sowda:

Cilmibaadhis lagu sameeyay 100 qof oo sanboor qaba ayaa waxaa looga daaweeyay saliida xabad sowdada, iyadoo weliba sanboorkii kaga tagay badankood, meesha awal ay qaadan jireen daawooyin dhowrkii maalmoodba weliba qaarkood ay waxyeello daawadu ku reebtay.

Cilmibaadhistu waxay sheegtay in saliida xabad sowdada subax kasta dulalka sanka min hal dhibic lagu dhibciyo iyadoo gadaal loo neefsanayo, waxaana la wadayaa muddo 6 usbuuc ah, tan oo aad kaga reysan doontid ilaahay idinkii daawo sanboor.

Ilmaha yar ha ku dhibcinin saliida xabad sowdada ee labada farood foodooda saliida mari, kadibne waxaad ku aadinaysaa labada dul ee sanka, waxaanad ilmaha ku amraysaa inuu neefsado, hadduu yar yahay oo uusan amarkaaga qaadan karin, ku hay sidaa muddo 1 daqiiqo ah isagaa si aayar ah u neefsan doona, waa muhiim in ku daaweynta ugu yaraan la wado 6 usbuuc si wax looga garto, kuna dadaal hal maalin in aanad ilaawin.

Fadlan la wadaag asxaabtaada mahad sanid