Xanuunka Afka Ku Dhaca Ee Halitosis (Af-urka)

Xanuunka halitosis waa xanuun ka mid ah xanuunada ku dhaca afka ,neefta ama hawda kasoo baxaysa oo noqota mid aad u qadhmuun.

xaaladani waxa ay dadka ku keentaa kali-socod ,niyad jab ,walbahaar iyo iskubuuq maadaama aanu dad dhexgali karin.

■CALAAMADDA UGU WEYN EE LAGU GARTO WAA HAWADA AMA AFKA QOFKA OO URA.

MAXAA SABABA?

xanuunkan waxa sababa xaalado badan sida :-

80% waxa sababa waa bakteriyada afka ku dhex nool.

waxa jira illaa saddex sababood oo ay isku raaceen dhakhaatiirta afka iyo dhakhtarada xanuunada guud.

1)XAALADDA AFKA.

80% bakteriyada afkeena kunool ayaa ah ta ka faaii,daysata marka difaaca qofku uu hooseeyo in caabuq ur xun ah ay ku abuurto ama sababto afka ,sida ilkaha dhexdooda iyo xaaladaha caafimaad darro ee lasoo gudboonaata ciridka.

2)CUNTOOYINKA.

Cunto barootiin badan , karboohaydarat yar , macmacaanku uu ku bdanyahay , toonta ,bashasha iyo bunka .
dhammaantood waxa ay keenaan in afku uu uro.

3)CAAFIMAADKA GUUD EE QOFKA.

Xaaladda guud ee qofku hadii uu yahay qof la nool xanuunada jiitama ,badanaa uu yeelanaya xanuunadan waxa ka mid ah :-
-Qanjo-xanuunka.
-Kansarka.
-Macaanka.
-Kelyo-xanuunka.
-Xiiqda.
-Laab- dilaaca.
-Xanuunada sanbabada ku dhaca dhaman.

DAAWO.

Dhakhaatiirta afku marka ay daawaynayaan xaaladan waxa ay aad ugu dadaalaan nadaafadda iyo fayo dhowrka afka.

SIDEED GURIGA UGULA TACAALI KARTAA XAALADDAN?

◇Si wanaagsan u nadiifi ilkahaaga.
◇Carabka aad u caddey ,carbaku waa halka bakteriyada ugu bdan ay kunooshahay afka , aad uga xoq oo nadiifi wixii wasakh ah .
◇Isticmaal dareeraha afka lagu nadiifiyo LISTERINE oo kale waxa ay ka hortagi oo ay nadiifin afka guud ahaan.
◇Afartii saac aad u nadiifi afkaaga.

● KA HORTAG.
◇Nadaafadda afka ku dedaal xilli walba oo aad cibaadaysanaysid .

◇Yaree macmacaanka badan marnaba uma fiicna caafimaadka.
◇Haddi aad isticmaashid burush 5 cishoba mid cusub isticmaal .
◇Caddayga marka aad isticmaashid fadlan ha qalalo inta aanad xarayn ,hawada u daa 5 minute.
◇Haddi aad leedahay xanuunada jiitama fadlan ku xidhnow dhakhtarkaaga .

TALOOYIN.
◇Afkaaga ka ilaali in uu ahaado mid qalalan ,marwalba biyo cabista ku dedaal.

◇Macmcaanka iska yaree .

◇Hadii aanad ka maarmayn macmacaanka ,gadaal markaad dhamaysatid biyo badan cab aadna uga cadayo.

♡Bunka marka aad cabtid fadlan aad uga luqluqo.
◇Carabku waa goobaha ugu badan bakteriyada ,aad u nadiifi.

◇Cuntooyinka aan kor ku soo xusnay yarayso inta ay xaaladani ay jirto .

FADLAN ASXAABTAADA U SHARE GAREE SI AY UGA FAA,IIDEYSTAAN MAHAD SANID