UK oo qorsheyneysa inay si fudud dhalashada ugala laabato malaayiin qof

LONDON — (WARSOOR) – Sharci qabyo ah oo lagu daray xeerarka jinsiyada iyo xuduudaha Britain, ayna soo jeedisay Mtel ayaa faraya in dadka ku nool Boqortooyada Britain laga xayuubin karo dhalashadooda iyaga oo aan loo digin.

Xeerkan oo lasoo jeediyey bishii Julay, lana cusbooneysiyay bishii aynu soo dhaafney ee November waxa uu ka dhaafayaa dowlada in ay bixiso ogeysiiska go’aanka qofka jinsiyada looga qaadayo.