Biden oo la filayo inuu Putin siiyo digniin adag

WASHIGTON — (WARSOOR) – Madaxweynayaasha Mareykanka iyo Ruushka, Joe Biden iyo Vlademir Putin ayaa lagu wadaa in Talaadada maanta ah ay yeeshaan kulan-fogaan arag ah oo xasaasi ah.

Muranka Ukraine ee NATO iyo Ruushka ayaa gundhig u noqon doona kulanka labada madaxweyne, kaddib marki ay Russia ciidamo soo dhoobtay xadka ay la wadaagto Ukraine.

Ruushka ayaa ku eedeeyay isbaheysiga uu hoggaamiyo Mareykanka ee NATO inuu qorsheynayo in ay gantaallo ku rakibtaan Ukraine.

Mareykanka ayaa u arka ciidamada uu Ruushka soo dhoobay xadka Ukraine mid halis ku ah madaxbannaanida xukuumadda Kiev, laakin Moscow ayaa beenisay oo sheegtay inaysan duullaan ku aheyn Ukraine, taasi baddalkeedana ku eedeeyay Mareykanka iyo Ukraine in ay colaad ka hurinayaan Ukraine.

Dowladaha galbeedka ayaa ka walwalsan in Ruushka uu ku celiyo wixii uu sameeyay sannadki 2014-kii, markaas oo uu xoog kukla wareegay gobolka Crimea ee dalka Ukraine.