Somaliland oo Xaqiijisay in 2 Qof Laga Helay Covid-19

Hargeysa – (warsoor) – xukuumadda Somaliland ayaan maanta oo ah 31 March 2020 ku dhawaaqdey in dalka laga helay 2 kiis oo Coronavirus ah.

Wasiirka Caafimaadka Somaliland Md. Cumar Cali Cabdilaahi oo sheegay in labada qof ee laga helay Covid-19 ay kala yihiin hal qof u dhashay dalka Shiinaha oo ka shaqeeeya Berbera iyo hal qof oo muwaadin reer Somaliland ah oo ka yimid Ingiriiska oo ku sugan Burco.

Wasiirka ayaa sheegey in labadan qof ay baadhitaan ku sameeyeen dhakhaatiirta dalku 25 March oo laga helay xanuunka, balse sheybaadh kale oo lagu xaqiijinaayo loogu diray dalka Kenya 27 March, Natiijadii ka soo baxday baadhitaankaasina ay isku mid noqotay natiijadii hore ee la hayey.

Labada qof ee xanuunka laga helay ayuu wasiirka caafimaadka Somailand uu sheegay in xaaladoodu ay hadda fiican tahay.

Xukuumadda ayaa bahda caafimaadka fartay in baaadhitaan lagu sameeyey labadan qof ee xanuunka laga helay dadkii ay la kulmeen iyo meelihii ay tageen si loo hubiyo inay jiraan dad ay qaadsiiyeen iyo in kale