Soomaalida ku nool Maleesiya iyo saameynta Corona-virus

Maleesiya – (WARSOOR) – Saameynta (CoVid-19) ayaa noqotay mid si isku mid ah u gilgishey dareenka Bulshooyinka ku kala nool daafaha Caalamka,taasi oo keentay hoos u dhac dhanka dhaqaalaha iyo adeegyo kale oo bulshooyinka muhiim u ahaa sida,duulimaadyadi isaga kala gooshi jiray shanta qaaradood ee dunida.

Soomaalida ku dhaqan Dalka Malaysia ayaa lagu soo waramaya in noloshooda saameyn xoogan ay ku yeesheen awaamiir la xiriirta,corona-Virus marka laga hadlayo dhinaca nolosha,kadib markii la xiray goobihii ganacsi iyo xarumihii dowliga ahaa qaarkood,taasi oo saameysay dhaq dhaqaayadii dhinaca nolosha.

Badri Xuseen Sandhol, Uqaysanaha Wasaaradda waxbarashada Hidaha iyo Tacliinta Sare Ee Safaaradda Soomaaliya ee Dalka Malaysia oo la soo xiriiray Wakaaladda Wararka (SONNA) ayaa sheegay in Soomaalida ku nool dalkaasi Malasiya ay wadaan wacyi-galin dhanka Bulshada ah,si looga fogaado fiditaanka Covid-19.

“Goobaha albaabada loo wada laabay waxaa ka mid ah xarumahii waxbarashada sida Jamacadaha, ardayda Soomaaliyeedna waxa ay noqdeen kuwa guryaha Ku xareeysan,markii lasoo rogay amarkan, dhaq dhaqaaqii dadka ayaa gebi ahaan la joojiyay,waxaana la soo rogay 18-31 Mach 2020,balse waxa ay noqotay in dib loogu daro mudo kale oo ah labo isbuuc, dadka Soomaaliyeedna waxaan uga digaynaaa in ay jebiyan amarada lagu bad baadinayo”. Ayuu yiri Badri Xuseen Sandhol.

Wadanka malaysia oo kamid ah wadamada kuyaala Koonfur Bari ee Qaaradda Assia Waxaa Ku nool Soomali cadad-keeda aad u badan ,waxa ayna u badan yahiin Arday iyo Qaxooti dhamaantood,balse waa jaaliyad aad iskugu xiran marxalad walba oo timaada,balse dhibaatooyinka cabsida leh ayaa ah in weli Soomaalida dalkaasi kunool badi ay weli socdaalaan,waxaana mas’iiliyiintu ay uga digeen in qatar caafimaad ay lugohoodi ku doontaan,maadaama digniino iyo tilmaamooyin la soo saaray.