Xukuumadda Federaalka Soomaaliya oo Ka Hadashay Sababta ay Ethiopian Airline ugu hogaasami waydey go’aamadooda

MUQDISHO – (WARSOOR) – Dawladda federaalka ee Soomaaliya ayaa markii ugu horaysay ka hadashay sababta ay maamulka diyaaradda Ethiopian Airline ugu hogaansami wayday go’aanaddi ay ku joojisay duulimaadka diyaaradah ee dalka imanaayey.

Wasiirka Gaadiidka iyo duulista Hawadda Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Salaad Oomaar  oo la hadlay warbaahinta ayaa yidhi, “Ogolaansho aan siinay diyaaradaas ma jirto, ku meel gaadh ama fasax caadi ah toona, waxayna hadda ka degtaa Hargeysa, balse waxay keentaa dad Soomaaliyeed, sida aad ogtihiina qofkii ka yimaada dalka dibadiisa 14 maalin oo karaantiil ah ayaa la geliyaa, marka safarada diyaaradaas waa xaalad gooni ah”.

Sidoo kale wasiirka duulista Soomaaliya ayaa sheegay in marka laga reebo Ethiopian Airlines ay diyaaradaha kale fasax ka qaataan dowladda Soomaaliya, si ay uga degaan magaalada Hargeysa ee xarunta maamulka Somaliland.

Wasiirka ayaa yidhi, “Waxaa jira diyaarado kale oo sida dawooyin iyo qalab caafimaad oo anaga fasax naga heysta, kuwaas oo ka dega magaalada Hargeysa. Hadda waxaa Hargeysa ka degaya diyaarad daawo sida oo aan anagu fasaxnay, sidaas ayaana u fasaxnaa diyaaradaha gargaarka sida ee ka degaya Hargeysa, ileen waa lagama marmaan’e”.

Ugu dambay wasiir Duulista Soomaalayaa ayaa muwaadiniinta Soomaaliyeed oo dhan ee xuduudaha ka soo gelaya ka dalbaday in ay joogaan goobahooda oo aanay dalka soo gelin inta ay taagan tahay khatarta cudurka Coronavirus.

“Dadka xuduudaha kasoo gelaya guud ahaan dalka, waxaan ka codsaneynaa in cudurkan uu Ilaahey naga dhaafinaayo qof kasta meesha uu ku suganyahay in uu iska joogo, oo aysan noo imaanin qof kasta meesha uu joogo Allaha ku nabad yeelee” sidaasi waxaa yidhi wasiirka gaadiidka iyo duulista hawada ee xukuumadda Soomaaliya.