Somaliland oo Dhistay Guddi la Dagaalama Daroogada

HARGEYSA – (WARSOOR) -Xukuumadda Somaliland ayaa sheegtay in ay la dagaalameyso dadka ka ganacsadda ama soo geliya Somaliland maandooriyeyaasha sida xashiishka iyo khamriga. Xukuumadda ayaa magacowday guddi heer qaran ah oo hormuud ka noqda howlaha la dagaalanka ka ganacsiga maandooriyeyaasha.

Wasiirka Diinta iyo Awqaafta ee Somaliland Sh. Khaliil Cabdillaahi Axmed ayaa faahfaafhiyey sababaha keenay in xukuumaddu ay go’aankan gaarto, isaga oo sheegay in loo baahan yahay wada shaqeyn guud oo laga yeesho la dagaalanka ka ganacsiga maandooriyeyaasha, oo muddoyinkan danbe la soo weriyey inuu dhibaato ba’an ku hayay da’yarta.

XIGASHO: VOA

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.